Madaxweynaha oo ka hadley hubka Soomaaliya loo soo wadey ee la qabtey

Kadib markii maanta oo Salaasa ah uu soo baxay warka Markab laga lee yahay dalka Faransiisku in uu qabtey dooni aan lahayn sumad oo wadey hub aad u badan kaas oo loo soo wadey dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka hadley Madaxweynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud, oo ku tilmaamey talaabo wanaagsan oo dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ay qaadeen.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamey in ujeedada hubkaani ay tahay in colaad iyo xasilooni-darro dalka looga abuuro.

“…Waa war lagu farxo in ciidammada dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen doon sidday shixnad hub si sharci-darro ah la doonayay in waddanka la soo geliyo. Waa hubaal in hubkaas uu ku socday kooxaha qas-wadeyaasha ah. Waxaan iyana bogaadinayaa ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay shixnad kale oo hub ah oo loo soo wadey Soomaaliya….”

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Faransiiska iyo Australia ay gacan ka geysaneyso xasiloonida gobolka.

“…Hawlgalkan ay ciidammada Australia iyo Faransiiska ku soo qabteen shixnadahan hubka ah waxay xoojineysa qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 2244 (2015) ee cunaqabateynta hubka, kaas oo gacan ka geysanaya xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale. Tallaabadan waa mid ku dayasho mudan oo aan filayno in dalalka kale ay iyaguna ku dhaqaaqi doonaan…”.

Madaxweynaha ayaa si dadban ugu eedeeyey in hubkan loo wadey ururka al-Shabaab, waxaana uu baaq u direy beesha caalamka.

“…Waxaan ugu baaqayaa  beesha caalamka inay sii wadaan hawlgalladan looga hortagayo hubka sida sharci-darrada ah dalka ugu soo qulqulaya, si uu u najaxo barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee nabadda, xasiloonida iyo ciribtirka kooxda argagixisada ee Al Shabaab…” ayuu yiri.

Doonta Faransiisku qabtey ayaa ah tiii labaad muddo bil ah gudaheed, horey ayaa ciidamada Australia u qabteen doon wadey hub ka badan gaaraya 2000 oo qori, kaas oo loo wadey sida wararku sheegayaan Ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Bariga Afrika.

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya ku soo rogtey xayiraad hubka ah sanadkii 1992, tan iyo markaas waxaa dalka si weyn ugu soo qul-qulaayey hubka noocyadiisa kala duwan, dalalka ugu badan ee hubka soo geliyey Soomaaliya ayaa ah kuwa deriska la ah.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167