CONTACT US

YAA SAMEEYA KALIGII TALISKA (DICTATORSHIP)

Sidaynu ogsoonahay diinteena Islaamka marka laga hadalayo nidaamka maamul waxa aynu ku shaqaynaa nidaamka wada tashiga (Shuuraa), sida ku cad nusuusta quraanka iyo axaadiistaba.
Haddaba, maxaa keenay inay u bataan hoggaamiyayaasha caalamul Islaam qaar kaligood iyo qoysaskoodaba ku kooban? Waxaan aaminsanahay, inay bulshada dhexdooda uun tahay kuwa sameeya ha u badnaadaan kuwooda aqoonta leh hadday tahay culimada diinta, maaddiga iyo bulshada inteeda kale.
Wakhtigii Cumar Ibnu Khadaab R.C uu amiirka ahaa, ayaa uu isagoo qudbadayna idhi “I maqloo i adeeca” nin ka mida ayaa istaagay oo ugu jawaabay “Ku maqli mayno oo ku adeeci mayno ilaa aad noo sheegto go’an labaad xaggaad ka keentay?” markaas ayuu Cumar wiilkiisii oo isna Saxaabi ahaa Ilaahay raali ha ka wada ahaadee uu ku idhi u sheeg xaggaan ka keenay. Wuxuun ugu jawaabay “Aabahay waa nin dheer oo go’i kaliya ayaa ku filaan waayay saan go’ aan anigu leeyahay ugu daray”. Tusaalahan waxaan u soo qaatay in ay muhiim tahay in lala xisaabtamo madaxda.
Haddaba su’aashu waxay tahay, madaxdeena malala xisaabtamaa? Hadday jawaabtu tahay maya, MIYAYNAAN INNAGU AHAYN KUWA SAMEEYA KALIGII TALISKA AMA DIGTAYTARKA? Ummaddu ama bulshadu waxay leedahay sharci iyo nidaam kala haga oo loogu tallo galay, in qofka madaxda ah iyo ka shacabka ahba uu wada qabto haddii uu sharcigaa jabiyana ciqaabta looga dhigay la mariyo, haddaba su’aasha iyana is waydiinta leh waxay tahay sharciga haddii uu jabiyo ninka madaxda ah ma qabtaa? Hadday jawaabtu tahay maya, MIYAYNAAN INNAGU AHAYN KUWA SAMEEYA KALIGII TALIYAHA AMA DIGTAYTARKA? Iyada oo ay sababtuna tahay ka hadal la’aanta sharciga uu jabiyey.
Qofka Bini-Aadamka ahi wuu khaldamaa madaxda ummadda hoggaaminaysaana waa Bini-Aadam, haddii loogu sacabtumo wax walba oo uu samaynayo oo aan loo sheegin inuu waxa uu ku khaldanyahay wuxuu isku qaadan uun inaanu khaladba ka dhicin ileen loomba sheeginee,haddaba su’aashu waxay tahay hoggaamiyaheena ma loo sheegaa khaladkiisa?
Haddii ay jawaabtu tahay mayee waa loo sacab tumaa, MIYAYNAAN INNAGU AHAYN KUWA SAMEEYA KALIGII TALISKA AMA DIGTAYTARKA? Ninka hoggaamiyaha ah marka loo dhiibo xilka ka bulsho ahaan, ma aaminsanahay in uu shaqaale innaga inoo shaqaynaya yahay? ileen waakan mushahar ka qaadanaya xoolaheenee, mise waxaynu aaminsanahay haddiiba uu madaxwayne yahay inuu isagu meesha iska leeyahay siduu doonana yeeli karo?
Haddii ay jawaabtu tahay ta danbe, MIYAYNAAN INNAGU AHAYN KUWA SAMEEYA KALIGII TALISKA AMA DIGTAYTARKA? Ugu danbayn, haddii uu hoggaamiyahu waayo la xisaabtan dhinac walba ah, haddii uu hoggaamiyuhu waayo cid saxda khaladkiisa, haddii uu hoggamiyuhu waayo cid sharciga marisa hadduu jabiyo, hadday bulshadu aaminto inaanu shaqaale u ahayn oo uu siduu doono yeeli karo, HOGGAAMIYAHEENU WAXA UU NOQON DOONAA UUN MID KALIGII TALIS AH.
 13022192_1259730610721201_420806841_n

Fikradaha Akhristayaasha (0)




g-g-nugaal WAR DEG-DEG AH: Dhageyso: Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo shaaciyay in la qabtay saraakiil Alshabaab ah iyo meesha lagu qabtay+magacyadooda
- Jan 19, 2017
Garowe 19 January:- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Kornayl: Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa sheegay in ...
flag_of_ethiopia-svg WAR DEG DEG AH: Dowladda Ethiopia oo ka digtay in beesha Majeerteen madaxweyne loo doorto, kuna dhawaaqday haddii loo doorto inay Alshabab Muqdisho la wareegayaan.
- Jan 19, 2017
Warbixin ay soo saartay Xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-baarista iyo Iskaashiga (The Centre for Dialogue, Research ...
war-deg-dega1211 WAR DEG-DEG AH: Daawo Booliska Garowe oo war culus kasoo saaray inay xabsiga ka baxsatay Haweenay AIDS ku faafisay Garowe.
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=b8-HuoFWMcw
Capture Daawo Shiikh Mustafe Xaaji Ismaciil Oo Dhacdadii Kufsigi Galdogob Muxaadaro Cajiib ah ka jeediyay
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=DTrPGgXN_Jk
galmudug-flag-last AKHRISO-Shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta madaxweynaha Galmudug oo lashaaciyey iyo Guuleed oo..
- Jan 18, 2017
Guddiga doorashada Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo ...
hhhhhhhhhhhhhhhhhjjjjjjjjjjjjj Xildhibaan katirsanaan jiray barlamaanka Puntland Oo Soomaaliland u magacowday Xoghaye dawladda hoose ee laascaanood
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=-UItx9LCRmc
breaking-news1-610x380 DEG DEG: Mayd la garan waayay oo haatan yaala isbitaalka Garowe iyo saraakiisha amniga oo farriin degdeg ah diray.
- Jan 18, 2017
Isbitaalka guud ee Garowe waxaa haatan yaala maydka nin dhalinyaro ah oo uu xalay ...
garowe WAR DEG-DEG AH: Dhegayso: Taliska booliska Garowe oo goor dhowayd ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay……..
- Jan 18, 2017
Taliyaha Saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe  Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardo-fuul) oo galabta la hadlay ...
Sheekh DHEGEYSO-Shariifka oo afka furtay,”Xasan Sh Lacag kasta habixiyo madaxweynaha xiga waa aniga qabyona majidho”.
- Jan 18, 2017
Musharaxa xilka madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ...
breaking_news War degdeg ah: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xabsiga dhigay agaasimihii socdaalka iyo jinsisiyadaha gobolka Bari.
- Jan 18, 2017
Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Axmed Dhega-dheere ayaa maanta lagu ...