CONTACT US

Eedaha Dalsoor Media Halka ay Salka ku Hayaan!

 

large

Hordhac

Maclumadka Centre of Social and Organisation Studies (CSOS) ay soo ururisay oo isugu jirta raad-raac muqaalo iyo falanqayn warbixino sugan leh, ujeedada ka dambaya baaris cilmiyeedka waxay tahay mid lagu saxayo ama loogu soo ban-dhigayo macluumad waafiya aragtida bulshada ku dhaqan Puntland iyo guud ahan Somalia. Cilmi baaristan ayey soo diyaarisey CSOS ka dib markii si ula-kaca loogu baahiyey warsidaha Xogdoonnews, barta Facebook ka ee Dalsoor iyo barta Twitter ka ee Dalsoor, warbixino xambarsan maclumad khaldan oo ka dhan ah hay’adaha samafalka ku hawlan.

Tarikhdu markey ahayd 14 April 2016 ayaa saxufi Jamal M. Osman eedayn culus aan lahayn sababeen rasmiya dusha uga tuuray hay’ad caalamiya oo mugweyn ku leh dhinaca sama-falka ee Puntland ‘World Vision’. Eedaynta Dalsoor ee hay’ada u soo jeedisay waxay timid markii ay hay’adu soo xayeysiisay shaqo sharuudaheeda ka mida tahay qofka shaqada soo codsanya inuu yahay qof diinta Masiixiga (Christian) haysta, sababta ay hay’adu sharuuda ugu xirtey Dalsoor ma cadeyn fasirka ay bixisayna waa mid iyada kaliya gaar ku ah sida CSOS ku ogaatey intey baaris cilmiyeedka ku guda jirtey.

Dhinaca kale waxa cad dawlada Puntland in ay san qaadan kaalintii kaga toosneyd hay’ada heshiis dawladeed ku joogta Puntland islamarkasna lagu been abuurtey hay’ada World Vision lagana dhigey mid fidineysa diinta Christian oo ay ka weecatey u jeedkii ruqsada iyo wada shaqeynta loo siiyey. Eedaynta ‘Dalsoor’ oo xambaarsan aragti xag-jirnimo laga dhex arki karo, waa mid khatar wax- yeelo u soo jiidi karta, sida darteedna dad wax-ma-garad ah fal arga-gixisa ay kula kacaan xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo shaqaalaheeda Puntland ku sagan. Eedaynta Dalsoor soo jeedisay Centre for Social and Organisation Study (CSOS) waxay u aragtaa inay tahay mid lagu abuurayo amni daro xili ay Puntland dagaalo kula jirto qolyo arga-gixiso caalimaya ah.

Waa kuma Jamal

Si wax badan looga ogaado eedaha Dalsoor xiligan dusha uga tuurayso hay’adaha caalamigaah sida, EU iyo World Vision, waxay CSOS isku taxaluujisay inay dib u raad-raacdo saxufiga Jamal M. Osman tarikhda uu leeyahay iyo halka ay salka ku hayaan afkaaraha xag-jirnimada ah; Jamal M. Osman waxa uu ku dhashay Kismayo 1970kii, Jamal wax uu leeyahay dhalasho British ah, ka dib markii halkas qaxootinimo ku galey 1999kii, waa sida ku cad war-bixinta uu ku qortey Jamal Wikipedia – halkan riix https://en.wikipedia.org/wiki/Jamal_Osman .

Jamal wuxuu mudo 7 sano ku dhaw ka soo shaqeeyay inta badan ka soo shaqeeyey Saxaafada Channel 4 oo laga leeyahay dalka Birtian, intuu shaqada saxafada (media) Jamal ku guda jiray, waxa uu ku guuleystey abaal marino kala duwan 2009 – 2012;

  • RTS independent Award

 

  • One World Media
  • Amnesty International Media
  • Foreign Press Association
  • Kingston Universities News report of the year 2009 etc.

Waa jiri karaan abaal marino kale balse halkaan kuma soo koobin – wixii xog nololeedka Jamal iyo shaqadiisa waxaa ka heli kartaa: https://en.wikipedia.org/wiki/Jamal_Osman .

Laga soo bilaabo 2013kii Jamal wax soor saarka dhinaca saxaafada waxa u ahaa mid hoos u dhac ku yimid oo marna ahayn heerka uu ku bilaamey, sababta ugu weyn oo keeni karta xiisa dhaca barnaamijyada Jamal waxay tahay, ka dib markii ay bateen tuhumo u dhaxeeya isaga iyo hay’adaha.

Sirdoonka ama amniga ee Britain, kana dhashay sida fudud ama kalsoonida leh uu Jamal ula kulmo Madaxda u sar -sareysa ee Alshabab. Xirirada Jamal Alshabab la yeelanayey wuxu u badnaa kuwa shaqadiisa qura ku kooban, balse raga asal koodu hore dhalashada Britain haysta oo ay ka mid yihiin Shikh Hasan Tagar iyo Shikh Abdulqadir Mumin oo labaduba reer London Jamal isla ahayeen, waloow hadana labada Sheikh arga- gixiso caalamiya ku biireen Jamalna saxufiyiinta caalamiya ku biiray xiriirkoodu wali waa halkiisii, waana mida keeni karta shakiga Jamal ay ka qabaan hay’adaha amniga.

Jamaal wuxu si toosa ula kulmay Alshabab tariikhdu markii ay ahayd 16 Dec, 2013 xaruntooda Bula-Barde isagoo markas ahaa suxufi qandaras kula jira warbaahinta wararka Channel 4 UK. Jamal waxa uu xog rasmiya dhinacyo badan taabaneysa ka soo duubay ururka xag-jirka ah ee Alshabab, isla goobta Bula-Barde inta uu joogey Jamaal wuxu fasax u helay soo duubida ciidama Alshabab oo tababaranaya iyo waraysi khaas ah in uu ka soo qaado Ali Dhere (af-hayeenka Alshabab). Ali Dhere xiligan waa horjoogaha loogu doonida badan yahay hawlgalka la dagalanka arga- gixisa caalamiga ah – Halkan ka daawo warbixinta Jamaal ka qoray Alshabab: “ Ins ide an Al-Shabaab training camp Bulo Barde”. :https://youtu.be/enRVsBDz1oo.

Xariga Jamal ee Puntland.

CSOS baaris qota dheer aysameysay ka dib ku ogaatey, afar bilood ka hor xiliga Jamaal Alshabab documentary ka diyaarinayey xaruntooda Bula -Barde, Jamaal wuxu booqasho aan horey loo soo sheegin ku yimid Puntland. Tarikhdu markii ay ahayd 29-30 Aug, 2013 Jamal M. Osman waxa lagu xiray Puntland mudo labo ilaa sadex bari ah, halkaas uu rabey si qarsoodiya inuu wareysi aan ruqsad loo siin la yeesho dambiile Mohamud Nuh Abu -Hafsa oo haystay dhalasho British ah iyo Abdirisaq Husien Tahlil, labaduna ku xirnaa xabsigaweyn ee Garowe ahna eedaysane yaal lagu soo qabtey fal arga-gixisinimo ay ku galeen Galkacyo xarunta G. Mudug.

Warbixinta CSOS waxay intaa ku dareysaa in labada maxabis magacyadoodu kur ku xusan yihiin ay xukuumada Dr. Gaas si sharuud la’aan ah ku siidaysay 10 June 2014, waxaana arinkaa cabasho ka mujiyey hay’adaha qaramada midoobey sida, UN monitoring group – address link hoose ka akhri xogta ay ka qortey UN monitoring group 22 October, 2014 siideynta madaxweyne Gaas maxaabista Alshabab, page 68, Annex 1.4, bullets 17-31 : http://www.securitycouncilreport.org/atf/cf/%7B65BFCF9B-6D27-4E9C-8CD3-CF6E4FF96FF9%7D/S_2014_726.pdf

Intaa waxa dheer xukumadii Puntland xiligaa jirtey ee Dr. Farole madaxda ka ahaa in Jamal muda maalmo gudahooda dib xoriyadiisa ugu soo celisay. Qanuunka saxaafada u yaal Puntland ayaa dhigaya Saxadaha dalalka shisheeye laga leeyahy waa in ay dalka inteysan soo galin qoraal kooban ku soo gudbiyaan ujeedada ay u imaanayan si loola ogaado hawshooda amini goodana loo sugo. Hoos ka daawo video laga duubay Jamal markii xabsiga Puntland laga soo siidaayey, isagoo ka been sheegaya sababta loo xiray “waxa la ii xiray darteed markii aan diidey inaan wareysto niman madax ah”:

Jamal iyo Alshabab

Sida Jamaal baraha internetka ku leeyahay ku qoray, The Guardian, Channel 4, Dalsoor Facebook page, Twitter and etc. Qoraaladan nuxur koodu waxay cadeenayan in xarumaha amniga ama sirdoonka (security service) ee dalka Britain iyo Jamal kala haystaan amuuro la xiriira safarada shaqo uu mararka qaar ku tagey goobo ka mida meelaha Alshababku ka taliyaan. Safaradaan ayaa ah mid shaki weyn ku dhalisay hay’adaha amniga, Jamal inta la ogyahay waa suxufika kaliya warbaahin Britain laga leeyahay ka socda oo Alshabab kalsooni ku qabaan inay la kulmaan, islamarkaasna ay tusaan xarumaha iyo goobaha ciidamada ku taba-barayaan. Hoos ka daalaco Jamal oo ka cabanaya sida sirdoonku (security service) ula dhaqmaan markasta uu UK ka dhoofayo ama soo galayo: http://www. theguardian.com/commentisfree/2014/may/26/british-citizen-passport-control

Sidoo kale 27 Feb 2015 suxufi Jamal wuxu qormo dheer ku soo daabacey warsidaha Channel-4 ugu magac darey “ security services and the road to radicalization” fasirkeedu yahay; “hay’adaha amniga iyo wadadii xagjirnimada” wax uuna kaga hadlaya daba socodka qolyaha amniga mararka qaarkoodna ku dirqinayaan inuu la shaqeeyo. Qormadu qoraagu wuxu tusaale u soo qaatey oo arintisa ku masaaley rag hortiis sirdoonka UK ay wareysi iyo daba-socod si joogta ah ugu hayn jireen sidaas darteedna sida qormda Jamal ku cad dalka UK isaga haajireen kuna biireen arga-gixisada caalamiga ah kuwooda ugu culus. Raga uu Jamal ku xusay qoraalka waxaa ka mid ah Mohammed Emwazi Alkuwati 26 jir shaashadaha aduunka caan ka noqdey soona duubi jiray video Emazi qof qudha ka jarayo ururka ISIS ka mid ahaa.

Waxa kale qoraagu soo qaatey Sheikh Abdulqadir Mumin oo isaguna hawlo xag-jireen ah uu ka waday London, UK markii lagu daba -galey ka soo baxsadey dalkaas kuna biiray madaxda ururka Alshabab, Sheikh Abdulqadir iyo Jamal waxay ku kulmeen Somaliya gudaheeda. Akhriso maqaalkii Jamal ku daabacay warsidaha la magac baxey Channel 4:  .

Dhinaca kale CSOS waxay baaris dheer ku sameysay, soo tabinta xogta dagaalada ay Alshabab qaadaan iyo falanqeynta u jeedka ay dagaalada u qaadan, Jamal waa saxufiga ugu war haya gunta hoose sababta dagaal kaasi loo qaadey fah-fahin dheerna ka bixin kara. Dagalkii Alshabab 17 Mar, 2016 ku soo qadeen xeebaha Suuj, Garmal iyo Garacad, mudo 24 saac ka yar xiligii Alshababku dagaalka soo qaadeen ayaa Jamal video 3:40 minutes socanaya kaga warbixiyey weerarada Alshabab iyo sababta ay uga dan leeyihiin goobaha xeebaha ay ay isku dayeen inay qabsadaan. Jamal wuxuu aad u muujiyey ahmiyada deegaan kaasu u leeyahay Jamhadeynta lagana heli karo, gabaad, baad iyo biyo wuxuna tusaale u soo qaatey ninkii la oran jiray Sayid Mohamed Abdule Hasan, Jamal wuxu meesha ka saarey Degmada Eyl tarikhda horumarineed ay caanka ku tahay sida wax-so-saarka dad tayo aqoon leh, beero, xoolo bad iyo bari. Hoos ka daawo warbixinta Jamal:

Shaqada World Vision Xayeysiisay

Taarikhdu markii ay ahayd 14/04/2016 waxaa social media Dalsoor Facebook iyo website ka Xogdoonnews lagu soo daabacay maqaalo iyo Video ka faaloonaya wareysi in yar laga soo xigtey oo Madaxweyna Puntland Dr. Gaas lagu wareystey mar uu ka yimid Xamar. Madaxweynaha waresiga waxa lagu waydiiyey su’aal ah sidan; “world vision waxay go’aansatey inay shaqooyinka Garowe ay ka bixinayso hay’adu ay siinayso qof diintiisu Christain ay tahay kaliya arintaa maxaa ka leedahay Madaxweyne ”. Juwaabtu madaxwenaha uu bixiyey ma ahayn mid si gaara u taabaneysa shaqada World Vision ay soo xayeysiisay, Dr. Gaas wuxuu si guud uga hadley shaqooyinka hadaba hay’aduhu bixiyaan inay xor u yihiin cida ay siinayaan.

Sidoo kale waxay Dalsoor microphone la dhex qaadey magaalada Garowe, wariyaha Dalsoor soo wakiilatey wuxu ahaa wariye Omar Mohamed Somane oo Universal TV Garowe ka shaqeeya, islamarkasna su’aalaha Jamal soo diyaariyey dadka reer Garowe u weydiinayey. Jawaabta ay shacabka ay bixiyeen waxay ahayd mid aan ka fogeyn sida wax loo waydiyey oo guracan loona yaqaan ‘The Betchdel Test’ oo ah sida aan rabo iigu jawaab ama waydiin dhinaca qaloocan ee arin. Xog ururinta Jamal halkaan ka daawo eek u aadan World Vision: http://xogdoonnews.net/daawo-muuqaal -hayada-world-vision-oo-shaqaale -aan -muslim-ahayn- ka-raadinaysa-magaalada-garowe/.

Jawaabta Madaxweyne Dr. Gaas iyadana halkan ka fiirso: https://twitter.com/jamalmosman. https://www.facebook. com/Dasloor/videos/1542685502692074/

CSOS waxay u guur -dashay inay ogaato nooca shaqada world vision ay sharuudaha ku xirtey inuu qofka soo codsanayo ahaado mid aaminsan diinta Christian ka, shaqada Jamal dadka Somalida ah u tusay inay tahay mid diintooda wax loogu dhimayo ayaa qoran sidan:

Job Description

Field Operation

Job Reference: 3376-15No9053

Experience and knowledge in TB and HIV/AIDS program.

Warbixinta shaqadaan sida cad ayaa qeexeysa in qofka xubinta qabanaya qeeb ka mida shaqadiisu ahaan doonto haynta iyo maareynta qalabka lagaga hortagayo HIV/AIDS cinjirad (Condoms) si looga hortago cudurada halista ah, arinka u qaybinta qalabkan dad aan isqabin, markii ay baartey CSOC waxay ogaatey culimada Islaamka ah qaybinta cinjirada ama Condom waxay ku tilmaalmeen baneyn/mubaax afcaasha macsida ah, sidaa darteed ka shaqeynteeda ma noqonayso mid xalaal ah. Warbixin lagu qorey IRIN news ayaa cinwaan uga dhigtey “Muslim clerics declare war on condom” shir lagu qabtey Nairobi oo loogu magac darey “Islam and Health ” waxaa ka soo qayb galey 60 scholar oo isaga yimid wadamo kala duwan; halkaa ka akhri warbixintii oo dhameystiran: http://www. irinnews.org/report/78160/kenya-muslim-clerics-declare-war-condoms

U jeedka hay’ada world vision ay qof diinta Christian haysta ugu soo bandhigtey shaqadaan waa midaa qura, balse suxifi Jamal oo shaqada media ku haysta abaalmarino (awards) fulinta shaqadaan oo qayb Muhiim ka tahay hawsha ka hortaga HIV/AIDS muxuu si ula kaca ah uga reebay warbixintiisa, islamarkaasna ugu koobay kaliya qaybta TB, waa arin ku sifoobaysa been abuur saxaafadeed (media falsification, public sphere inciting and depicting humanitarian organizations).

Markii CSOS si dhec-dhexad ah u baartey dhinac walbana ka fiirisay dhaliisha Jamal uu u soo jeediyey World Vision, waxa u muuqataa mid lala soo degdegay aadna looga baran-degin. Waxa kaloo baaristaan cilmiyeysan ku ogaatey CSOS in xeerka Saxaafada la dhinac marey, halka Dalsoor ahayd in bandhigid sameyso kaliya waxay ku dartey eedayn ku saleysan go’aan qaadasho. Masuuliyada saxufinimadu waxay tahay falan-qayn laga eegayo dhinacyo badan, marwalba garabyada ay quseyso mawduuca markaad taagan waa in si siman looga soo warbixiyaa iyadoo la adeegdsanayo xog-waran toosa iyo mid xigasho ah (primary and secondary data sources) labada dhinac ama ka badan.

Sida cad eeda loo soo jeediyey hay’ada World Vision ma dhicin in qof masuul ah oo hay’ada ka socda wax laga weydiin sida ay u arkaan arinta dhinacooda qaabka shaqada u soo xayeysiyen.

Hadaba CSOS markii ay fiirsay cawaaqibka eeda kulul ee xag-jirka ah Dalsoor u keeni karto hay’ada World Vision iyo Puntland guud ahaan ka digaysaa khatar eedaynta Dalsoor keeni karto, islamarkasna ay sabab u noqon karto waxyeelo amni darno oo soo gaadha hay’ad iyo shaqaalaheeda. CSOS waxay war bixintu Jamal ku tilmaameysaa mid aan xeerinay waa qiciga dalka Somalia ku sugan yahay, balse ah mid u yeeraysa in dhibaato hor leh dhacdo.

Waxa iyana taa la mida fasirka Dalsoor iyo Jamal ka bixiyeen hay’adaha caalamiga ah sida EU oo Jamal qoraal iyo muqaal uu ka sameeyay 21 March 2016 ugu magac darey “Dib u gumeysiga Somalia” halkan ka daawo:

/ iyo “World Vision oo qof aan Musilim ahayn ka raadinaysa Garowe

Hay’ada Centre of Social and Oganisation Studies (CSOS) waxay ku soo koobeysaa war-bixintaan, eedaymaha isdaba jooga ah Jamal M. Osman u jeedinayo hay’adaha caalamiga oo Dalsoor tahay aalada uu adeeg sanayo waa mid salka ku haysa naceeb iyo arin shakhsiyaded oo ka dhalatey cadaadiskii uu kala kulmey hay’adaha nabad- sugid ah ee dalka UK, dhinaca kale qoraalka Jamal ku daabacey warbahinta Channel 4 ugu magac darey “ security servce and the road to radicalization” CSOS waxay u aragtaa inay tahay fariin adag uu mar hore Jamal afeef uga dhigay hawsha hada ku guda jiro.

Cilmi baaristu waxay intaa ku daraysaa, waxyeelada hayadaha caalamiga yeelan karaan waxaa masuuliyadeedu saaran tahay xukuumadaha goobaha ay ka hawlgalaan masuulka ka ah, waxaan mudan in hay’adaha xukuumadaas eedaynta iyo dacwada la mariyo inta aan si toosa arimo xasaasi amni daro keeni kara go’aan ka gaaristeeda shacabka gacanta loo galin.

Puntlandnews.net

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167