Shaqo abuuris mise sharaf dhac? Cabdinuur Faarax Maxamuud

  Sawirka: Aminarts

Saaxiibkey joga waddanka Sucuudiga ayaa ii xaqiijiyey in Dalka Sucuudiga lakeenay Hablo Soomaaliyeed oo Dawladda Soomaaliya kasoo dhoofisay Muqdisho. Wuxuu uu sheegay. Hablahaan inay dhan yihiin 26, ayna jiraan kuwa kale oo la soo wado.. Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa ku sheegay Shaqo abuuris in Gabar Soomaaliyeed loo gacan gasho Waddan Ajanebiya tani shaqo abuuris mahan ee waa sharaf dhac weyn..

Soomaaliya waxay burbursan taay Nus Qarani waxaa lumay dhammaan sharaftii iyo Haybadii Umaddu lahayd Soomaaliya, waxaa loo yaqaan waddankii fashilmay waxaanu ka burburay dhan kasta xagga sharafta iyo magacaba, Dawladda hada talada haysa waxay dhoofisay kuna faantay Hablihii Soomaaliyeed “ waxay weliba u dhoofisay wadanka Adduunka ugu liita dhanka xaquuql iinsanka, Hablaha Soomaliyeed waxay halkaas ka qabanayan Shaqo Booyeeyso ah ama Khidaamad), looma dirinHablo Xirfad layaala, loomana dirin Rag, ka xoog sada Dalkaas , Raggii hore ee Soomaaliyeed waxay ku maahmaahi jiren. Gabari waa Hilib Bisil. Haddaba Ninka Masuulka ee Hilibka Bisil u dhoofinaya Durwaayo, maxay tahay shaqo abuurista uu sameeyey??

Soomaalidii hore waxay ku maahmaahi jirtay Waan baahanahay (Baqtiga looma Cuno) waa xigmad Mug weyn waa xig mad ku tusaysa haddii aad baahan tahay inaadan sharaftaada Iibsan, Baahida waad ka bixi doonta laakiin Magac xumada weligeed kaama harayso.

Hadal hayntii ku aadaneyd in Muqdisho laga dhoofiyo Hablo da, yar oo Soomaaliyeed loona dhoofsho Boqor Tooyada Sucuudi Carabiya, waxaan inta badan moodi jiray inaysan xaqiiqo ahayn waxaanse xaqiiqsaday kadib markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu yiri asagoo wareysi siinaya AfricanTv4, qeybtiisa AfSoomaliga ee dalka Suudaan),

Madaxwayne Xasana Shiikh Maxamuud, ayaa yiri Awalba Hablaha Soomaaliyeed waa Tahriibi jireen waxay mari jireen Yamen, Sucuudiguna waa adoonsan jiray intay lugta ka xirtaan, hadalkaas wuxuu dhaawac iyo han jab ku yahay Ummadda Soomaliyeed siiba Ragga Soomaalida waayo, Ninka Ragga ee mas,uulka waa inuu Magac dalkiisa iyo Dadkiisa Ilaaliyo magacooda maamuskooda iyo sharaftooda,

Ceebta iyo Magac xumada Xukumadda Madaxwyne Xasan Shiikh u soo jiiday Dadka Soomaalida waa mid magac xun nagu reebi doonta.

Hoggaamiyaha Jamuuriyadda Federalka ee Soomaaliya waa Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu xilka Dalka hayaa wax ka yar 4 Sanno, wuxuu madax kayahay Dawlad Caalamku u aqoonsaday Dawlad sharaciya oo ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed waxaana manta looga fadhiyey inuu Hooyooyinka iyo Hablaha Dalalka shisheeye ku dayacan ku soo cesho Dalkoodii Hooyo, laakiin taas bedalkeed waxay noqotay in xukumadda Xasan Shiikh ayba Dhoofiso Hablihii dalka ku soo haray.. kaaf iyo kala dheeri soomahan?.

Madaxweynaha waa maamuska ugu sarreeya Dalka waana magaca Astaanta Qaranka wuxuu matalaa oo wakiil ka yahay Ummadda Soomaaliyeed. Haddaba Hablaha Soomaaliyeed iyo Guud ahaanba Magac Soomaliyeed ayey ceeb iyo fool xumo ku tahay in Sucuudiga loogacan geliyo. Laguna sheeko shaqo abuuris. Mustaqbalkiis Soomaaliyee oo ah Hablaha. da yarta..

Haddaba soo magac xumo ma ahaan in manta Gabadha Soomaaliyeed ee muslimiinta, ee` aan Masuulka wadan in loo Dhoofsho Dal kula mida aad ku wada jirtaan Jamacadda Carabta Dal dhanka Iinsaanimada iyo Bini, aadanimada ,aad ugu liita su’ ashaas ayaan weydiinaya Walaalaha Soomaliyeed..

Haadiise Sucuudigu shaqo abuuris uu dadka Soomaaliyeed u samaynaayo maxaa loogu diri waayey Rag?..

Diinteeni soo ma caddeyn inaan gabadha Muslimka aysan socon Karin Mas,uul la`an haddiise Hablaha Soomaaliyeed ay Dalkooda uga carareen Colaad Kufsi iyo Faqri, intii soo hartay. Mdaxweynaha Soomaaliya ma wuxuu ka daba geynaya kuwii ku silic sanaa Qurbaha siiba Dalka ugu liita marka loo eego dhanka Xaquuqli iinsanka..

Allow hoggaamiye damiir leh

Allow Hoggaamiye Diin leh

Allow Hoggaamiye Dadnimo leh

Allow Hoggaamiye Daacada

Allow Hoggaamiye Dawladnimo yaqaan

Cabdinuur Faarax Maxamuud

 

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167