Dhageyso: Beesha Abokor Ciise ee Ciise Maxamuud Oo Warkii Ugu Cuslaa Caawa Garoowe Kaga Dhawaaqday iyo Gaas..

In kabadan 50 Kamid ah nabaddooonada, waxgaradka iyo haweenka gobolka Nugaal oo caawo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa madaxweynaha dowladda Puntland ka raali geliyay hadalo eedayn iyo hanjabaad ah ah oo ay saxaafada ka siidaayeen tiro odayaal ah.

Xubnaha shirka jaraa’id qabtay oo kasoo jeeda beesha Abokar Ciise ee Ciise Maxamuud ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin in xubinta xildhibaanka ee beesha ay timaado deegaananada Jubbaland, iyagoona sheegay inay tixgelinayaan heshiiska madasha qaran iyo wax ku qeybsiga nidaamka 4.5 ee barlamaankaani lagu soo xuli doono.

Waxay odayaashu tilmaameen haddii wax lagu qeybsanaya qabiil in aysan wax dhibaato ahi ku jirin in xubinta ay ku leeyihiin aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya ay ka imaan karto Garowe ama Kismaayo.

Halkaan ka dhageyso codka odayaash iyo qodobada kasoo baxay shirka.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167