Guddiga Doorashada : intaan codeyntii la gaarin baaba la Af- garan la’yahay

Guddiga uu Xasan SHiikh Soo magacaabay maxay kaga duwanaan karaan Max’ed Cusmaan Jawaari iyo ra’iisal wazaarayaasha la shaqeeyay, ee uu dishay!…jawaabtu waa waxba! Maamul –Goboleeddada iyaga maxaa ku dhacay?!….Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas iyo SHariif xasan Shiikh Aadan iyagu waaban garan karnaa , ee Jubba-Land maxaa ku dhacay?!…Michael Keating ma kuu muuqataa meesha uu taaganyahay?!….bal hadda sawirkaan dhab u fiiri, Keating baa wuxuu ku leeyahay doorashada waxaa dib loogu dhigayaa in la af-duubo habka doorashada oo dhan!….Haddii uu sidaas xog-ogaal u yahay oo gartay in uu jiro qorshe noocaas isla markaasna uusan sheegin wax ka hor tag ah maxaa loo qaadan karaa?!….nin kasta siduu doono ha u qaato, laakiin sida muuqanaysa Michael Keating iyo dowladda Ingiriiska guud ahaan waxaa jira qorsho ay ogyihiin oo wali aan bislaan oo lagu diyaarinayo suurto gal noqoshada sidii uu Xasan SHiikh Max’ud mar kale xafiiska ugu soo noqon lahaa!….

Dowladda Ingiriiska shaki kuma jiro inay gacan weyn ku leedahay doorashada Soomaaliya iyo waliba inay wax ka dejinayso ololaha Xasan SHiikh Max’ud, sidaasoo kalana Michael Keating oo marna gashan shaarka Qarammada Midoobay (QM) marna gashan shaarka Midowga Boqortooyada Britain, wuxuu wax badan ka ciyaarayaa meel marinta siyaabaha ay Xasan SHiikh Max’ud iyo saaxiibbadiis doonayaan inuu noqdo habka doorashadu u dhacayso….waxaa marka hore khalad weyn ka jiraa oo aan wali lays weydiin sida laysugu haleyn karo ama murashaxiinta xilka madax-weynaha u tartamaya ha ahaadaan, ama xil-dhibaannada inay codeeyaan laga doonayo ha ahaadaan ammaanka magaallada Muqdisho iaydoo ay sal-dhig u tahay madax-weyne marar badan lala xiriiriyay shir-qoolo lagu khaarijiyay siyaasiyiin Soomaaliyeed….

Doorashada, dhacaysa ee Xasan SHiikh Max’ud iyo guddiga doorashada keliya ee uu isaga magacaabay ay barnaamijkeeda dejinayaan, maamulkeeda, waqtigeeda iyo qaabkay u dhacaysana la yiri mucaaradka talo laga weydiin maayo, ama waxa ay sheegaan waxba laga soo qaadi mayo, maxay tahay ujeeddadeeda oo aan ahayn in Michael Keating iyo dowladda Ingiriiska ay nin keliya u diyaariyeen inuu madax-weyne noqdo, Xasan SHiikh Max’ud waa dhammaaday waqtigiisii uu xilka hayay, sabab sharci ah oo uu hadda ku joogo oo laysku ogyahay ma jirto, oo aan ka ahayn ninka Keating ah oo mar yiri “Xasan SHiikh, 6da bisha November wixii ka dambeeya madax-weyne ma aha!…” hadalkiisaas wax uu ku salaysanyahay lama yaqaan, sharci ma aha, gole shacab ma aha, talo siyaabo kale ku timid oo Soomaali ku wada hadashay ma aha, sabab dib-u- heshiisiin ah kuma fadhiso oo lama cadayn haddiiba ay jirto….keliya waxaa loo qaadan karaa farriin dowladda Ingiriiska ay Michael Keating soo fartay maddaama oo huwanyahay magaca xafiiska QM.

Guddiga doorashada khaladka u horeeya ee ay galeen waxaa weyye inay isu haystaan sharci dejiyayaal iyaga sharciga u smayniya doorashada!….si dhaqso ah waxaa u muuqda inay ku shaqayniyaan talo gaar ah, waxyana iska gaarayaan talooyin aad moodo in lagu saleeyay sida uu Xasan SHiikh Max’ud rabo….Guddiga-Doorashada ma qaadi karo talaabooyin jeebkiis ah, wax kasta oo talo ah oo uu gaarayana ama waa inay ku salaysanyihiin xeerarka dooarshada ee ku qeexan xeerarka dalka u yaala ama waa inay yihiin wax uu kala tashtay dhammaan murashaxiinta (dowladda & mucaaradka labadaba) oo laysku raacay iyadoo waliba aan lagu xad-gudbiyeen xeerarka dalka!….in doorashada dib loo dhigayo iyo sababta loogu dhigayo intaan go’aanka la gaarin waa in dhinacyada oo dhan lagala tashadaa, guddigu shaqadooda kama mid aha inay bedelaan xilliga doorashada, laakiin shaqadooda waa inay ilaaliyaan in muddada lagu balamay aysan ka daba marin doorshada, waa inay ilaaliyaan habsami u socodka codeynta, kana ilaaliyaan in wax lays daba mariyo ama ay dhacaan khaladaad farsamo, wax kasta oo laga bedelayo habka doorashad, waqtiga doorashada iyo wixii la hal maala waa in oggolaansho qaynuun loo helaa. Guddigu waa inuu ku shaqeeyaa dabeecad ka duwan tii uu ku soo shaqeeyay barlamanka dhacay iyo Af-hayeenkiisii Jawaari oo iyagu isu haystay inay shaqaale u yihiin madax-weynaha, mana aha iyagoo aan wax qaynuun raacayn inaty meel iska fariistaan ra’yigooda dadka sharci uga dhigaan.

Waxaa isagana dhaliisha qayb ku leh oo aad moodaa inuu ka hurdo hawshiisa oo aan marna ka hadlin doorashada la bed-bedelay guddoomiyaha maxkammadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan. Guddoomiyaha oo oo bishii May ee sanadkan lagu bedelay guddoomiyihii hore Caydiid Ilko-Xanaf, ayaa marka la fiiriyo sida wax u socdaan, aamusnaantiisa, iyo waqtiga lagu soo beegay magacaabiddiisa waxaa loo qaadan karaa in kaalinta maxkamadda sare loogu talo galay ay ahayd aamusnaantaas! Maxaa dhacay?!…Waxba!…Maxaad maqashay ?!…. Waxba!…muddo kororsigii dowladda wuu dhaqan galay iyadoo aan la garanayn wax lagu saleeyay, waayo heshiis lala galo madaxda maamullada gobollada ee hadda xilalka haya sharci ma noqon karo, oo xataa waxay gabeen danihii gobollada ay madaxda u yihiin waxayna sax iyo khalad ku taageereen Xasan SHiikh iyo Michael Keating…..haba ugu darnaado Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas madax-weynaha Puntland oo hadda shacabkii uu madaxda u ahaa aysan kala garanayn waxa uu sheegayo inay ciyaar-ciyaar ka tahay iyo inay ka dhab tahay!….Xasan SHiikh Max’ud iyo madaxda maamul gobolleeddada waxy qaynuun iyo dastuurkii uu dalka lahaa u fahmeen inay tahay iyagoo heshiiya!….

Sida murashaxiinta hadalkooda uu Michael Keating (anigu ma aqaan cidda madaxda inooga dhigtayee)isu dhaafinayo ma aragtay?! …maxaa taas lagu macnayn karaa?! Mar kasta oo ay hadleen iyo wax kasta oo ay sheegeenba isag oo aan iyaga u jawaabayn buu wuxuu taageeray Xasan SHiikh Max’ud…mucaaradka waxay ku celceliyeen inaan maalin keliya xilka Xasan Shiikh Maxud loogu dari karin, Michael Keating isagoo iska dhigaya inuusan iyaga u jawaabayn buu oggolaaday inay doorashadii dib u dhacday, hadana markii dib loo dhigay mar labaadkii isagoo isu ekeysiinaya inuu arrintaas diidanyahay ayuu sheegay in la doonayo hanaanka doorashada in la af-duubo, laakiin mar keliya waxba kama soo qaadin cabashada iyo talooyinka mucaaradka!…. Xasan SHiikh Max’ud wixii ka dambeeyay September 10dii waxay ahayd muddo kororsiimo QM iyo Ingiriiska (Michael Keating) ay la ogyihiin, waxaana loo qaadan karaa in waxyaabo badan saxiixiisa lagu sharciyeystay!….

Waxaa marar badan lays weydiiyaa, Xasan iyo murashaxiinta kale Xamar ma ku heshiinayaan?! Mase la hubiyay Al-SHabaab marka laga soo tago inaysan jirin cid kale oo looga baqayo ammaanka iyo nabad–gelyada murashaxiinta iyo xil-dhibaannada codeyniya?! Haddii Xamar ammaankeeda ay dad badan ka shaki qabaan, maxaa diidaya in magaalo kale lagu qabto doorashada?!…..Garowe, Kismaayo, Cadaado, iyo Baydhabo…maxaa diidaya in mid ka mid ah magaalooyinkaas lagu qabto doorashada?!….sababta ugu muhiimsan ee ammaanka Muqdisho looga shakin karo waxay tahay sida sharci darrada ah ee uu Xasan SHiikh Max’ud wax kasta isaga maamushay intii uu madax-weynaha ahaa, oo xil-dhibaannadii jiray u aamusnaayeen, oo waziirradii joogay sax iyo khaladba ugu raacayeen, oo ra’iisal-wazaarayaashii la soo shaqeeyay mid kasta shaqadiisii isagoo haysta xil-dhibaannada intuu hor geeyay loo ridaayay!……oo hadda markii u dambaysay iyadoo uusan barlamaan weydiisan, mucaaradkii qaylinaya muddadii iska kororsaday!…..Xamar! ammaanka Xamar far baa ku godan!…

Xil-DHibaannada cusub ee la soo xulayo!….ogaada aad baad u nasiib badantihiin, laakiin waa haddii aad garataan waajibka iyo adeegga ummada idinka baahantahay! Waa haddii aad codkiina ugu hiilisaan dadka, diinta Alle, iyo dalka! Waa haddii aad magaca golaheenna shacabka dhulka ka qaadaan oo kuwo aan waxba idin dheerayn aysan berri idinku caayin laaluusha! Codkiina waa aayaha ilmihiina!….ogaadanna madax-weynaha aad doorataan wixii uu hadda idinka arko buu berri idinkula dhaqmayaa!……Xil-DHibaanka cusubow talladu haday gacantaada ku jirtaa!….murashaxa laaluushka la wareegayana wuxuu rumaysanyahay lacagta laaluushka ah inuu dib u helayo marku madax-weyne noqdo!…..Xil-DHibaannadow codku waa markaas!……..codkaaga aayaha ummaddaada ugu hiili!…

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167