CONTACT US

Maxaynu Ku xulanaa Madaxweynaheena Iman doona?

Waa muhim inaynu wax barano wadamada dariska nala  ah, kuwa kuyaala qaarada aad dagantahay , iyo guud ahaan kuwa dunida aad kunooshahay ku yaala.

Malaha waa muhin inaan Africa Qaaradena Hodonta ah tusaal usoo qaato. Inta badan qaarada Africa Africa waxa kataliya  xisbi siyaasadeed ah ama ( Political party) ururkii dhaliyey xoriyada ama kuwo ka danbeeyey oo ah kuwo qabsaday talada dalka xornimo kadib , laakin hada muhimaadan eegayo maaha taas ee waaa yey doortaan xisbi siyaasadeedkaasi ama u dhiiban talada Dalkooda , waxaan jeclaystay inaan iftiimiyo sida loo xushay hogaamiyasha wadama Tanzania, Kenya, Rwada, Uganda Iyo Ethopia

Si aan xooga u saaro Mowduucaygii ahaa ( Yey doorteen ) xisbiyadaasi hogaanka Dalkooda, Tusaale Tanzania waxa doorashadii Dec 2005 ilaa 2015 waxay dalka ku aamineen Mr Jakaya Kakweta oo ahaa jirey wasiirkii Arimaha Dibada horena u ahaanjirey Wasiirki Maaliyada Dalka waxaa xusid mudan doorashadii 2015 ee uu xilka kaga tagey xisbigiisu wuxu sharaxday oo loo doortay Madaxweynaha Tanzania  Mr John Bumbe majafuli oo ahaanjirey wasiirkii Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dalka Tanzania , sido kale Mr Paul kagame wuxu horey usoo marey MadaxweynE kuxigen isla markaana ahaan jirey wasiirki Gaashandhiga dalka ,Mr Uhur Kenyatta Madaxweynaha Kenya wuxu horey uso ahaan jirey wasiirki Ganacsiga marna Maaliyada ee Dalka Kenya, Mr Musaveni Madaxweynah Uganda horey wuxu uso ahaanjirey Wasiirkii Gaashandhiga Dalka Uganda.

 Hadaba maxaa laga dhaxlay ragaa khibrada lahaa ee ladoortay

Waxa soo baxay oo ugu wayn waxay ahayd xasilooni siyaasadeed , iyo madax og meeshay usocdaan iyo meeshay kayimaadeen, waxaa soo baxay sidoo kale Hogaamiye fahansan hashiisyada uu galayo, kalmada uu ka dhahayo kulamada caalamiga ah, wadanka uu xiriirka lasameynayo , talaabooyinka siyaasadeed uu qaadayo, waxay ka faa,ideysteen horeyna u socodsiiyeen siyaasadii ay horeyba ugusoo jireen oo ah midaan ku cusbeyna iyaga maadaama aya wasiiro kasoo ahaayeen Dalka , runtii way anfacday arintaasi iyaga iyo dalkooda iyo dadkoodaba , waxay fahmeeen siyaasadii dalkooda gudo iyo dibadba , nidaamka dowliga ah siyaasadu way is kaabta inaad fahanto tan gudaha waxay kaa caawisaa inaad tan dibadana ka gaartid horumar buuxa.

Gunaanada

waxaan kusoo gunaanadaaya maqaalkaygan maaha aynu doorano reer hebel iyo xisbi hebel iyo waxaynu kuso daalnay , waxaan talo iyo tusmo ku tilmaami lahaa aynu doorano cid siyaasada Dalka kuso jirtay ama ha ahaato kuwa hada ku jira, ama ha ahaato kuwo soo maray xili hore laaakiin waxa muhimada ii sameynaya ayaa aha inaan doorano Siyaasi hore siyaasada dalka fahansan , masuul aan hadhow ku wareerin ama indhaha kukala qaadin siduu ula jaanqaadi laha siyaada IGAD iyo AU iyo UN .

marabno afar sano oo siyaasad Barasho ah , ee waxaan u oomanahay masuul taaba galiya siyaasad sal iyo baar leh oo wada saameysa Somalia oo dhan meel kasta ay dunidan ka joogaa.

 

Liban Abdulahi Duale

Master In International Affairs and Diplomacy

Garowe ,

lcdkar@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167