Akhriso: Faallo ku saabsan xaalka Puntland ee maanta iyo shalay siduu ahaa?

Dowladda Puntland waxay u dhimanysaa awood maroogsiga Hassan Sheik Mohamud iyo Isku-dhiibidda gurracan ee Dr.Abdiwali Ali Gas  (Puntland xagee u  dheelinaysaa ?)

Hordhac.

Dowladda Puntland waxay udub dhaxaad u ahayd  qeybweynna ka qaadatay asaaskii iyo  yagleeliddii Dowladda dhexe ee Somalia    sida dajinta  khariidada road-mapka Somalia ,Taakulayntii  dowladihii ku meel  gaarka ahaa siyaasad  iyo dhaqaalo ahaanba ,caawimaaddii dib u dhiska hay’adaha  dawliga ahaa sida Wasaaradda waxbarashada iyo Wasaaradda caafimaadka Somalia, Martigelinta shacabka walaalaha ah ee ka soo barakacay koonfurta Somalia ,gurmadkii dadkii wax ku yeeloobay abaaraha koonfurta Somalia  iyo ganacsiga xorta ah ee Dowladda Puntland ay la wadaagtay dhammaan gobollada koonfureed .  Dowladda Puntland waxay  tusaale u ahayd dowlad  wanaagga , dimuqraadiyadda  ,heshiisiinta iyo dhexdhaxaadinta ummadda Somaaliyeed.

Haddaba sanadihii ugu danbeeyey  waliba maamulka hadda jira ee uu hormuudka ka yahay Prof.Abdiwali Ali Gaas waxaa soo shaac baxay is badal deg deg ah oo ku yimid  dowladda Puntland oo u dheelinayso  si xawli ah siyaasad ahaan,dhaqaala  ahaan iyo amni ahaanba. waxaa sii shiiqaya maqaamkii weynaa oo ay ku lahayd Somalia gabi ahaanba . waxay la fac noqotay maamullo aan sanad jirsan oo ay kala mid noqotay dhinac walba.

Haddii  ay Dowladda  Puntland ku socotaa hanaanka siyaasadeed ee hadda ay ku jirto waxaa kusoo fool leh ama khatar gali kara jiritaankeeda.

Maxaa sababay  dheeliyoowga  Dowladda Puntland   (A very fast declining State)?

Erayga  “dheeliyoowga”   waxaa weeye marka la yiraahdo shaygaas waxa uu ku taaganyahay ” Faraha foodiisa”  waana marka dhamaan tusayaasha  (Indicators)  lagu cabiro  jiritaanka dawladeed uu aad u wiiqmo sida Dhaqaalaha,Siyaasadda (Doowlad wanaaga,sharciga ,hogaansanka iyo kala danbaynta,La xisaabtanka iyo dawrka bulshada rayidka ah,la dagaalanka musuqa ,  amaanka iyo dhawridda xuduudaha dalka iyo xaalad nololeedka bulshada.

Sida aan ka dheehanayno tusaha hoose , marka la cabirayo hanaanka dawladeed waxa uu soo maraa heerar kala duwan sida dawlad adag (Strong),Dawlad itaal daran (Week),Dawlad dheelinaysa (declining) ,Dawlad dumaysa (Collapsing ) iyo ugu danbeen dawlad burburtay (Failed).

Puntland  “shalay iyo maanta”

(Great leaders are always in the spotlight).

Dawladda Puntland waxa ay soo martay heerar kala duwan kadib markii dhidibada loo taagay 1998 burburkii  dawladda dhexe ee Somalia (1991) kadib. Laga soo bilaabo waqtigaas dawladda Puntland waxay ku guuleysatay  :-

Dajinta road-mapka Somalia

Taakulaynta dawladihii ku meel gaarka ahaa ee soo maray Somalia (Siyaasad iyo dhaqaale ahaanba).

Caawimaad xagga dib udhiska hay’adaha dawliga ee Somalia (Waxbarashada IWM)

Martigelinta shacabka walaalaha soomaaliyeed ee kasoo barakacay koonfurta Somalia.

Gurmadkii dadkii wax ku yeeloobay abaaraha koonfurta Somalia.

Ganacsiga xorta ah ee dawladda Puntland la wadaagtay dhamaaan gobalada soomaaaliya.

Dawladda Puntland waxay tusaale (Role model) u nuqotay dowlad wanaag,dimuqaradiyad ,heshiisiinta iyo dhaxdhaxaadinta ummadda Soomaaliyeed.

Bilowggii dheeliyoowga  Puntland.

Sanadkii ugu danbeeyay (2013) maamulkii madaxweyne Abdirahman  Mohamed  Mohamud(Faroole) waxaa ku yimid dawladda puntland qalalaase siyaasadeed,amni iyo mid dhaqaale . Kadib markii maamulkii madaxweyne faroole  isku dayay in uu kororsado mudada maamulkiisa isagoo u adeegsanaya xisbiyo aanan ku imaan hanaan sharci ah oo hufan,dhaqaalihii Puntland oo loo adeegsaday doorashooyinka iyo dawrkii isimada,dhaqanka iyo bulshada oo meesha ka baxay . Si kastaba hoos udhacaas ha u yimaadee, waxay dawladdii faroole iyo kuwii kahoreeyayba ka midaysnaayeen:-

Difaacidda iyo muqadasnimada xuduudaha dawladda Puntland (ownership, occupancy and the control of puntland territory)

Joogteynta xiriirka caalamka iyo gobalka (regional and international).

Maqaamkii iyo muggii siyaasadeed ee dawladda Puntland ku lahayd Soomaali weyn.

kala xisaabtanka dawladda dhexe deeqaha caalamiga ah ee dunidu ugu deeqdo soomaaliya.

Hagidda hannaanka siyaasadeed ee soomaaliya

Jiritaanka Dawladda Puntland oo khatar ku jira sababaha soo socda :-

Sababaha  meel dhaxaadka ah:

Hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha dawladda Puntland (Economic stagnation)

Waxqabadka dawladda oo liita (Poor government services)

Shaqo la’aan ba’an (High unemployment).

Xaalufka deegaanada Puntland berriga iyo baddaba (Environmental degradation)

Musuqmaasuq baahsan .

Kalsoonidii bulshada oo dhuntay.

Tahriibka iyo hayaamidda muwaadiniinta Puntland (Humman migrations)

Hay’adihii dawladda Puntland oo aanan si fiican u shaqeynaynin sida Wasaradaha ugu firfircoon dawladda.

Sababaha  ugu waaweyn.

waxaa gacanta ka sii baxaya gobollo ka mid ah Puntland .

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii uu Xassan sheik madaxweyne ka noqday wuxuu wareer gurracan ku bilaabay la dagaalanka ,wiiqidda iyo burburinta Dawladda Puntland  . Ugu horeyntii waxay ku dhaqaaday tilaabooyin cad cad sida :-

Abuuridda maamullo garab marsan dastuurka dawladda Somalia .

Waxaa la sameeyay Dawladda Galmudug oo aanan dhammayn 2 gobol iyo bar sidii sharciga dawladda soomaaliya dhigayo taasoo loola jeeday in lagu boobo gobalka mudug gabi ahaanba . Xilligii la aasaasay dawladda Puntland wax siyaasad ah kama yeelan garab maridda iyo boobka gurracan oo lagu xalaaleysanayo qeybo kamid ah dhulka puntland. Dawladda Puntland kama aysan hortegin ,kamana aysan qaadan mowqif adag oo ay ku difaacdo dhulkeeda taasoo dhalisay in dagaallo  ba’an ay ka dhacan gobalka mudug , shacab badanna ku barakacaan,kuna dhintaan ,hanti badanna ku burburto. Maantana loo aqoonsaday gobalka lagu muransanyahay (Disputed areas) hay’adaha caalamiga ahna aysan ka fulin karin mashaariic horumarineed IWM

Wax kabadalidda dastuurka dawladda federaalka ah ee somalia.

Dawladda Federaalka ah waxay wax kabadashay ama laashay qodobbo badan kuwasoo lagu hagar daamaynayo jiritaanka dawladda Puntland.  Qodobadaas labadlay oo aan qoraal lagusoo koobin karin, Dawladda Puntland kama aysan qaadan mawqif adag waxna kama qaban haba yaraatee taasina waxay ugeysatay waxyaalo ba’an dawladda Puntland.

Hor istaagidda deeqaha caalamka ee loogu tala galay soomaaliya oo idil

Dawladda Federaalka ah waxay hor istaagtay dhammaan mashaariicdii horumarineed ee loogu talo galay dawladda puntland sida deeqaha waxbarashada,gargaarka aadamiga ah iwm. tusaale ahaan waxay diiday in shahaadada dugsiga sare ee puntland la aqoonsado. Dawladda Puntland kama qaadan arintaas iyo wixii la halmaala mowqif adag. Arintaas darteed waxaa lagu waayay waxbarasahda bololqaal arday ,mashaariic horumarineed iyo deeqo badan.

Hurrin colaado u dhexeeya beelaha walaaha ah ee degan Puntland.

Dawladda dhexe waxay si bareer ah uga qeyb qaadatay isku dirka beelaha walaalaha ah ee dagan deegaanada Puntland sida dagaalladii ka dhacay “Hawd” iyo goballada kale.

6.Xumeynta sumacadaha dawladahii ka horeeyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Hassan Sheik wuxuu is barer ah u caddeeyey in Puntland ka koobantahay 2 gobol iyo bar oo keliya taas oo ku doonayo in ku wiiqo jiritaanka Dawladda Puntland.

Mowqifka Dawladda Puntland ee dheeliyoowga Puntland.

Burburinta  iyo marooqsiga siyaasadeed ee dawladda dhexe ee soomaaliya kuwaddo Puntland .!!!! Xukuumadda Dr Abdiwali Ali Gas kama aysan hortegin,kamana yeelan siyaasad cad oo ay ku badbaadinayso jiritaanka  dawladda puntland. Waxaa dhumay guud ahaan muggii siyaasadeed oo ay ku laheed dawladda Puntland Soomaaliya dhexdeeda. Xukuumadda Puntland waxay u muuqataa degmo kamid magaalada moqdishu  qaabka loo maamulayo, hogaankeedi sarena waxuu ku milmay siyaasadda awood marooqsiga gurracan ee dawladda dhexe ee  Soomaaliya.

Gunaanad.(Giving up is the only sure way to fail)

“War lahelaa talo hel”

By : Ishaq Axmed Muse

Fikradaha Akhristayaasha (2)




.

.