CONTACT US

Maqaal Xiiso Badan—–Waa Maxay Hogaan Waase Kuma Hogaamiye.

Hoggamiyahaa dad badan  ayaan u yaqaan qeexitaanno fara badan ase inagu waxaynu ku qeexaynaa dhaqanka mugga wayn ee soomaaliga si aynu si qoto dheer ugu fahanno macnaha uu leeyahay.

Dhaqaan ahaan hoggaan waa yeel ka mid ah xargaha dhaqanka soomaalidu isticmaasho si loogu guuro, waxaana lagu xira luqunta awrka si si sahlan loogu maamulo xilliyada guurida, dhaaminta ama fuulidda ama .

Dhaqan ahaan  hoggamiye waa shaqsiga majara qabta awrka kolka la kaxayna

Hogaamiyuu wuxuu ogsoon yahan fikirna ka haystaa halka u kaxaynayo awrka.

Waxaana laga yaabaa inuu sahan ku tagay ama saadaal kobta uu awrka u hoggaaminayo

 

Hoggaamiyuhu wuxuu noqon karaa mid dawladeed, mida kooxeed mid urur.

Hoggaamiyuhu waxa uu shaqeeyaa in kabadan maskax ahaanna socdaa in kaadan socodka bulshada taas ayaana sababta in bulshadu madax kor u qaaddo.

Hogaamiyaashu waxay hagaajiyaan wacyiga bulshadooda jiritaankeeda waxayna hubsadaan in saamayntaasi joogidoonto xilliga u maqan yahay waxayna soosaaraan bulsho u hogaansan qawaaniinta uyaalla iyo ku dhaqankeeda.

Sumcadda hogaamiyuhu kuma xirna inuu yahay nin hawlkar ah balse waa inuu noqdaa mid cadaali ah kala saara xaqqa iyo baadilka, noqdaana jeerin celiya xaqdarada qodax iyo kuraankurna ku ah kuwo xaqa diida.

Dabeecadaha iyo calaamadaha hoggamiyanimo waxaa loo aaneeya  waxyaalo ay kamid yihiin

  1. Ku Dhalasho
  2. Ku Barbaarid
  3. Waayo Aragnimo
  4. Barasho dheer

                Muhiimadda hoggaamiyaha

Hogaamiyuu bulshada wuxuu ugu jiraa mid kamid waddoyinka lagu gaaro horumar, waa hubaal inaysan horumar gaarin bulsha aan lahayn hoggaaamiye wanaagsan.

Diinteenu waxxy ina faraysaa inaan yeellano hoggaan , Nabi Muxamed NNKH wuxuu ku adkeeyy islaam inay samaystaan hogaamiye hadday saddexyihiin.

Dunida maana waxa lagu kala horumaray waxaa kamid ah dhaqaale, siyaasad, waxbarashado IWM waxaana hormuud u ah fikirka fiican ee hoggaamiyaha.

Taas ayaan sababtay in loogu kala yeero duni horumartay iyo mid dibu dhac ku yimid.

Hoggaamiyuhu wuxuu horseedaa wxyaalo ay kamidyihiin

  • Nabad
  • Nidaam iyo kala dammayn
  • Horumar

              Dabeecadaha hoggamiyahaa wanaagsan

Dabeecadaha hoggamiyahaa wanaagsani waa kuwo la baran karo iyada oo lagu celcelinayo  

Maxaa sababa in hogaamiyuhu ku guulaysan waayo shaqada loo egmado?

Maxay tahayse sababta uu mid kale ku guulaysto shaqada iyo quluubta dadka uu xilka u hayo?, Sadar muuqda suaal ka dhane, waa dabeecadaha waangsan ee shaqsiyadda hoggamiyahaa.

Aniga ooso koobi karin dhammaan dabeeecadaha hoggamiyahaa wanaagsan waxaan isku dayayaa inaan bidhaaamiyo kuwo ugu waawayn ee uu leeyahay hogaaamiyaha horseeda isbedelka iyo horumarka waara.

  1. Aragti fog(vision)

Aragtidani wxay u sahashaa hogaamiyaasha wanaagsan  inay arkaan waxaysan arag hogaamiyaasha kale waana qaab sawireed ku jira maskaxda hogamiyaha oo tusiya sida uu noqondoono mustaqbalka bulshada uu hormuudka uyahay.

Waxaa jirta oraah oranaysa ‘‘inaad ku dhalato indho l aan waxaa ka daaan inaad ku dhalato indho aan la ahayn aragti dheer (vision )’’ sidaas awgeed hoggamiye walba waxa uu ubaahan yahay araagtida dheer nasiib darro gohaaamiyaasha oo ah ma yaqaano sida uu ku heli lahaa.

Hogaamiyaasha aragtida heeri leh waxay ku guulaystaan inay bulshada u ruqaamiyaan dhul ay sawir maskaxeed ku tageen. Waxayna hadal hays ka dhigtaan oraahdan ‘‘ holda the vision and trust the process’’  waxayna la macno tahay ‘‘yeelo aragti dheer iskuna hallay geeddi socodka’’

Hadaba aragtida dheer waa rajada kaliya ee hogaamiyuhu  bulshada ku gaarisiin karo horumar,  waxaana sido kale dhihi karnaa‘‘hogaamintu waa awood aragtida loogu badalo run’’.Hogaamiyuhu ku kuma dagmo tageero la aan ama  la aann koox u salka ku hayo ase wuxuu ku dagan yahay waa la’aanta aragti dheer.

Hoggamiyahaa wanaagsan  wuxuu arkaa mustaqbalka dhow iyo kan fog si cadna fikir uga haystaa waxa uu qabanayo talaabada uu qaadayo waxa ay ku dhamaaynayso.

  1. Karti nafsadeed(self confidence )

Waa mid ka mida dabeecadaha wangsan ee hoggamiyahaa dhabta lagu garto  waxayna kuu sheegaysaa inuu yahay qf ku dhiran kara khataraha isaga oo kaashanaya aragida dheer ee hoggamiyenimo. Waxay aamin sanyihiin aragt idoda saxda ah mana ahan  kuwo ka baqa isbadalka waxay kalsoonida ku dabaqaan  go aan qaadasho sax ah xilliga loo baahanyahay.

Kalsoonida waxaa sahla inuu noqo mid isku kalsoon waxaa ka mid h:-

  • Wuxuu talo saarsadaa eebbe sw
  • Wuxuu latashada naftiisa
  • Wuxuu u fakara sidi qof guulayte ah
  • Wuxuu raadiyaa xalka marwalba
    • Cidna ma ogaan karto awoodda hoggamiyahaa ilaa la arko kalsoonida naftiisa uu ku qabo

 

  1. Daacadimo:-

Daacadnimadu waa run sheegidda meel iyo goor walba waana mid lagu kala sari karo hogaamiyaha khiyaaneeya     kooxda ama mulshada uu hogaamiyo iyo kan daacadda u ah bulshadiisa.

Grnal mohamed ali samatar(1935-2016) waxa uu yiri ‘‘marka aad la hadlaysid cadawgaaga waa la is buunbuuniyaa balse marka aad la hadlaysid dadkaaga lagama qariyo runta noocay tahayba’’

Soomaaliduna waxa ay ku maah maahdaa ‘‘daacadi mahungowdo’’.

  1. Dulqaad iyo dabeecad wanaagsan :-

Hogaamiyuhu waa shaqsi dulqaad badan leh u dulqaada una samra dhibaatooyinka kasoo gaarta, quraanku  kariimka ah waxa uu ino sheegayaa inay aynu isu dulqaadano sababta oo ah rabbi wuxuu la jiraa kuwa sabirka badan.

 

Hadaba dalkeenu hadda waa dal kasoo kabanaya  waqti dheer oo burbr ah oo iskugu jira dagaallo sokeeye dawlad la’aan halkii laga sugayay inuu inuu la jaan qaado dalalka caalamuux dhaafshay ka waxaa hareeyey oo buux dhaafshay qilqiladiiisa qabyaalad iyo la’aanta hoggaamiye dhab ah oo dhabbaha saara dawladnimada loo baahanyahay in lagu gaaro hormar iyo nolol caafimaad qab leh.Dalka gudihiisa waa ka jira dhibaatooyin tiro beel ah oo  ay ugu wawayn yihiin:-

  • qabyaallad:-Oo noqotay mid xoogaysatay waxayna maanta u xuub dillaacsatay dawlad goboleedyo u hardamaya kalaboobka dhulalka gobolada madaxtinimad dalka(hadana waxaaba modda inay bilaaban tay dagagaallo isku duul ah, maxaay tahay sababtu ma cirkaa cadaab da ay mise waa hogan xumo.
  • Boobka khyraadka dalka:- Iyada oo laga faiidysanayo awood la aanta dawladda soomaaliyeed iyo is qabqabsiga madaxda dalka ay sababta u tahay la aanta hogaamiye fikir iyo fiiro dheer , waxaa loo galay tartan lagu xadayo khyraadki dalka waxaana u waawayn boobka badda ay waddo dawladda kenya say u hesho saami maadaama madddena ay ku gadaamantahay khayraad dabiici ah , maraakiiibta jarriifka ee dawladaha shisheeye ay ku boobayaan khayraadka waddanka, ku aasitaanka haraaga sunta hubka wax gumaada ee NUCLEAR ka.
  • midnimo la aan:- Kadib burburkii dawladdi dhexe ee soomaaliya dalka waxaa kajira midnimo darroSababtay ka qaybsanka dalka iyado oo ay jirto maamullo taabacsan dalka hadana dalku waxaa uu uqaybsanyahay tabtuu gaalku dhigay(somalo italiano iyo somali british protectorate.
  • macaluul iyo abaaro :- Dalka soomaaliya wuxuu kamid yahay dalalka ugu abaaraha badan ugu roobka yar, sido kale waxaa intaas sii dheer heerka uumi baxa lo yaqaan evapotranispiration ayaa ah mid ka bdan xadiga roobka ee uu helo dhulka soomaalidu oo ah dhul kulyle ah, taas ayaa waxa ay sababty in dhulkii u noqdo qalayl ay soo bataan abaaraha iyo macaluusha xoolaha oo ahaa isha dhaqaale ee soomaalidu dunida ugu horrayso.

 

 

 

 Ugu dammayn yaad isleedahay marka wuu ku habboon yahay inuu qabto hoggaanka dalka noocaas ah ma hoggaamiye dhab ah oo leh dabeecadihii iyo calaamadihii lau aqoonsan lahaa hogaamiuyha dhabta ah ee wanaagsan mise hogaamiye kursi iyo magac doon ah dhabarka ay kasoo riixayaan  qabiillo tunwayn ama dawlad doonayaa inay danaha dalka kaga meel gaaraan hogaamiye xaabo ah.

 

Mahadsanidiin

 

W/Q:- M.Bashir Said Salah  (Mohamed-Alfatih)

          Mbashirsaid98@gmail.com

        Growe,Puntland,Somalia

 

Fikradaha Akhristayaasha (5)




g-g-nugaal WAR DEG-DEG AH: Dhageyso: Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo shaaciyay in la qabtay saraakiil Alshabaab ah iyo meesha lagu qabtay+magacyadooda
- Jan 19, 2017
Garowe 19 January:- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Kornayl: Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa sheegay in ...
flag_of_ethiopia-svg WAR DEG DEG AH: Dowladda Ethiopia oo ka digtay in beesha Majeerteen madaxweyne loo doorto, kuna dhawaaqday haddii loo doorto inay Alshabab Muqdisho la wareegayaan.
- Jan 19, 2017
Warbixin ay soo saartay Xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-baarista iyo Iskaashiga (The Centre for Dialogue, Research ...
war-deg-dega1211 WAR DEG-DEG AH: Daawo Booliska Garowe oo war culus kasoo saaray inay xabsiga ka baxsatay Haweenay AIDS ku faafisay Garowe.
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=b8-HuoFWMcw
Capture Daawo Shiikh Mustafe Xaaji Ismaciil Oo Dhacdadii Kufsigi Galdogob Muxaadaro Cajiib ah ka jeediyay
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=DTrPGgXN_Jk
galmudug-flag-last AKHRISO-Shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta madaxweynaha Galmudug oo lashaaciyey iyo Guuleed oo..
- Jan 18, 2017
Guddiga doorashada Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo ...
hhhhhhhhhhhhhhhhhjjjjjjjjjjjjj Xildhibaan katirsanaan jiray barlamaanka Puntland Oo Soomaaliland u magacowday Xoghaye dawladda hoose ee laascaanood
- Jan 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=-UItx9LCRmc
breaking-news1-610x380 DEG DEG: Mayd la garan waayay oo haatan yaala isbitaalka Garowe iyo saraakiisha amniga oo farriin degdeg ah diray.
- Jan 18, 2017
Isbitaalka guud ee Garowe waxaa haatan yaala maydka nin dhalinyaro ah oo uu xalay ...
garowe WAR DEG-DEG AH: Dhegayso: Taliska booliska Garowe oo goor dhowayd ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay……..
- Jan 18, 2017
Taliyaha Saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe  Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardo-fuul) oo galabta la hadlay ...
Sheekh DHEGEYSO-Shariifka oo afka furtay,”Xasan Sh Lacag kasta habixiyo madaxweynaha xiga waa aniga qabyona majidho”.
- Jan 18, 2017
Musharaxa xilka madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ...
breaking_news War degdeg ah: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xabsiga dhigay agaasimihii socdaalka iyo jinsisiyadaha gobolka Bari.
- Jan 18, 2017
Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Axmed Dhega-dheere ayaa maanta lagu ...