FAALO-*XILDHIBAANKA XILDHIBAANIMADDA WAX HA LOOGU DARO”

Xubnaha baarlamaanka ama golaha shacabku waxay ka tirsan yihiin sadexda, Qaybood ee loo qaybsho ama ay ka kooban tahay dawladdu oo kala ah:

  1. Gollaha fulinta (executives): gollahaan waa qaybta loo yaqaan Gollaha fulinta kuwaas Maasuul ka ah hirgalinta iyo dar-dar galint Habsami u socodka dawlladnimo Gollahaan Waxay ku yimaadaan doorasho (election) ama magacaabis (nomination) waxaana ka Mid ah madaxweynaha, gollaha wasiirada,
  2. Gollaha baarlamaanka (Parliament): Qaybtaan waa sharci dajinta waxayna dajiyaan Shuruucda (policies) waxayna soo doortaan ama xilka ka Qaadaan gollaha fulinta.
  3. Gollaha cadaaladda ama maxkamadaha (judiciary): gollahaan waxay Guud ahaan Masuul ka yihiin cadaallada dalka iyo ilaalinta shuruucda iyo Dastuurka dalka.

Sidaan wada ogoosanahy gollaha baarlamaanku waxay leeyhiin muhiimaddaas waxayna Door muhiim ah ka qaataan habsami-u socodka dawladdnimo, haddii Baarlamaanku Noqdo mid aan gudan waa jibaadkiisa qaran jiritaanka Dawladdnimo wuxuu noqdaa mid Curyaan ah oo aan hor-ukac aan samayn,

Casharkii aan ka baranay dawladdihii Federaalka ahaa ee soo maray Soomaaliya wuxuu cadayn iyo makhraati u yahay hawl Gudasho la’aanta Ragaasiday baarlamaanka federalka soomaaliya,

MAXAA SABABAY FADHIIDNIMADDA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA:

——————————————————————————————————————–

  1. Is dhex gal ama isku millan xubnaha baarlamaanka iyo gollaha Xukuumadda oo Noqday saaxiibo da isuna bahaystay shacabka Soomaaliyeed (Qawdda maqashii Waxna ha u qaban) taas oo dhalisay ama Horseeday dib u dhac aad u baaxad weyn, xil Gudasho la’aan, ku tagri fal Dhaqaale iyo musuq maasuq gaamuray IWM. Haddaba yaa leh awooda la Xisaabtanka madaxda dalka iyo ilaalinta shuruucda iyo qanawaaniinta Waxaa iska leh gollaha baarlamaanka soomaaliya.
  2. Dastuurka fadaraalka soomaaliya oo ah mid qabyo qoraal ah oo aan si Fiican loo Ansixin taasna waxay keentay in markii la Rabana qoddobo ka mid ah laga saaro halka kuwo kalena lagu soo darro.

3: Awooddii baarlamaanka ama Gollaha shacabka oo wiiqantay shuruucdda iyo go’aanka Siyaasadeed ay u muuqato in lagu soo Gaaro meel Soomaaliya ka baxsan, Maxaa Sababtay? Beesha caalamku waxay dhaqaale Xoogleh Ku bixisaa dib-udhisidda Iyo soo Celinta qaranimaddii soomaaliya, Mushaaraadka baarlamaanka iyo dhaqaalaha Dawladdu Ku shaqayso waxaa bixiya beesha caalamka iyadoo taasi jirto waxaa Baarlamaanka Soomaaliya loo keena Laguna cadaadiyaa ansixinta iyo meel-marinta Shuruuc iyo go’aamo lagu soo diyaariyey Caalamka,

4: Is-bahaysi siyaasadeed iyo mid qabiil kaasoo hareeyey dhammaan gollayaasha Dawladda, Maxaa yeelay koox kastoo is bahaysata waxay leeyihiin ujeedooyin iyo dano Siyaasadeed taasoo ay Doonayaan inay Ku hantaan riyooyinkoodda siyaasadeed, Masuuliyiintii qaranka iyo gollayaashii Dawladda haddii ay Dana gaar ah u adeegaan, Su’aashu Waxay Tahay qaranimo iyo dawladd wanaag Mala Gaari karaa? Jawaabtu waa Maya illaa Xal laga gaarayo dhibaatooyinka aan Kor Ku xusan lana helayo masuul Qaran oo ka damqadda Marxalladda Dalka hadda ku Jiro

Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaaraa soo xumaadaa Baarlamaanka fadaraalka, iyagoo soo xulaya ergooyinka dooranaya xubanaha ka mid noqonaya baarlamaanka fadaraalka ah.

Sidda la wada ogsoon yahay xilibaan in la xulaaa waa arin u baahaan kafiirsasho iyo taxadar dheeri ah sababtoo ah marka xubin gollaha shacabka la Soo xulayo waxay la mid tahay qof wadanka masiirkiisa gacanta loo galiyey, Maxaa yeelay waa xubanaha bad baadinaya dalka iyo in laga gaashaanto in Dib u dhac danbe soo Noqdo,

HADABA MAXAA XILDHIBAANKA XILDHIBAANIMADDA LOOGU DARAA?

—————————————————————————————————————————————–

Xildhibaanka ka mid noqonaya xildhibaanadda fadaraalka waa in marka hore lagu soo xullaa Iyadoo looga fiirsanyo si caqli iyo deganaan Ku jirto, Maxaa yeelay hogaamiyaha qaran kastoo xilibaanaddu dooran Doonaan waxay Ku xiran tahay tayada xildhibaanka Soomalidu Waxay tiraahdaa “Ninkii aad kabo tolanaysid kabihiisa la eegaa” waxaan ula jeedda Haddii Xubnaha baarlamaanku noqdaan kuwo aan laga taxadarin soo xulitaankoodda waxaa Imaan doonta in Madaxweyne xun ka soo boxo meeshaas, waxaan xasuustay Maah Maahdii Oran jirtay ” Hal xaaraan ah nirig Xalaal ah ma dhasho” Hadaba waa in xildhibaanka La soo  xuli doono yeesha calammadaha soo socda:

1: Waa inuu noqdaa shakhsi wadani ah oo ay ka go’an tahay bad baadinta Dalka iyo Shacabka soomaaliyeed, taasi waxay keeni kartaa isbedel dhab ah Iyo hor-usocod Siyaasadeed kaas oo horseedi kara in soomaaliya Qaranimo buuxda iyo xasi looni waarta Hanato Ayna Mar labaad Cagaheeda isku taagto oo masiirkeeda siyaasadeed iyo Dhaqaalaba ka madax Banaanaata beeshaa caalamka.

2: Waa inuu noqdaa aqoon yahan heer sare ka gaaray aqoonta oo leh Hadaf iyo u jeedo Ka gun gaarista iyo xal u heli taanka siyaasadda jaha Wareer san ee soomaaliya ka jirta, Aqoontu wax walba waa badashaa Marka laga Hadlayo Hor-umarka “Aqoontu waa hubka kaliya ee lagu badali karo caalamka” Masuuliyiin qaran misna aqoon yahano ah waxay keeni kartaa hufnaan iyo wax qabad Dhab ah,

3: Waa in uu san ka mid noqon ururadda soomaaliya ka jira ama ka soo Jiri jiray ha ahaado urur diimeed ama urur siyaasadeed maxaa yeelay hadhaw wuxuu noqonayaa xilibaan u adeega danaha urur leeyahay taasna waxay dhabar Jab ku noqonaysaa geedi socodka qaranka soomaaliyeed,

4: Waa inuu noqdaa mid daacad ah oo si dhab ah ugu adeega shacabka soomaliyeed.

5: Sidoo kale waa inuusan wax danbi ah ka galin ummadda soomaaliyeed ha Noqoto Xiligii bur burka iyo haddoo la joogo,

6: Waa inuusan horay uga dhex Muuqan saaxadda siyaasadda, waa inuusan xilal horay Uga soo qaban dalka, xilibaan cusub oo wata fikir cusub oo saliim ah maxaa yeelay Siyaasiyiintii hore waan aragnay meesha ay wax geeyeen,

7: Dhalin yarada iyo haweenka Soomaaliyeed waa inay qaybtan fiican laga siiyaa soo Xulitaanka xilibaanadda, sababtoo ah dhalin yarada iyo haweenku kama qayb qaadan Burburka iyo is qab qabsiga soomaaliya ka jira, waxaan Aamin sanahy inay horseedi karaan hor-ukac dhaqaale iyo mid siyaasadeed,

————————————————————————————————————————————

TALO SOO JEEDINTA ERGADDA XILDHIBAANADDA DOORANAYA

………………………………………………………………………………………………..

Qaabka xildhibaanadda Cusub loo soo xulayo oo aad uga duwan qaabkii loo soo xuli Jiray xildhibaanaddii hore, iyadoo ay dooran doonaan ergo laga soo xulay dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshadda, ergaddu waxay Si toos ah u kala saari doonaan Musharaxiinta u tartami doonta ka mid noqoshadda gollaha shacabka soomaaliya,

1: eragaddu waa inay horseedaan Isbadal: Ergaddu waxay bud dhig u Yihiin ka Gungaaridda isbadal siyaasadeed oo la taaban karo haddii ay soo Saaraan xildhibaano wax tar leh, keeni kara is basal iyo hor u kac Siyaasadeed, in isbadal la hello waa furaha ama albaabka laga gali karo, hormarka dhaqaale iyo mid dawladnimo, xikmadda Ku Jirta wakhtiga madaxda la doorto Joogto xafiiska waa tijaabo si hadhaw looga cabir qaato, maxaa laga qabtay maxaase laga tagay,

2:  ka Fogow Qaadashadda laaluush iyo eex: waa Sababaha ugu waawayn oo horseeday lumista qaranimaddeenii iyo Hormarkii soomaaliya, haddii aad laaluush xildhibaan Ku doorato ogow waxaad god Ku riday masiirkii shacabka soomaaliyeed,

3: Ku dooro aqoon iyo karti:  Waxaa Jirtay oraah Caan baxday oo uu Yiri “Nelson Mandela” oo ahayd ” Wax barashaddu waa Hubka kaliya ee lagu badali karo caalamka” Taasoo macneheedu Yahay haddii la hello dad badan oo aqoon leh in La heli karo hormar la taaban karo laga gaaro dhan kasta, waxaa marag ma doonto Samata bixinta Soomaaliya inay Ku xiran Tahay in La hello dad karti iyo alle ka cabsi Ku sifoobay,

GUNAANAD.

Waxaan aaminsanahay qaranimo soomaaliyeed in dib loo hanto ay tahay hawl ama shaqo u taal dhammaan umadda soomaaliyeed, baadi goobka midnimo waa waajib saaran qof kastoo soomaali ah, xalinta dhibaatada maanta taagan xalkeeda waxaa leh soomaali, ” Nin tuurleh suu u seexdo isagaa yaqaan” maanta waxaan gaarnay hadaan in waxkasta oo aan u baahano aan dhahno beesha caalamka ka sugaynaa, laakiin su’aashaydu waxay tahay , “beesha caalam waa tuma? aan idin su’aalee bah wadaag miyaa nahay” hadana Jawaabta Su’aasha waxaa igula haboonaaday gabay uu tiriyey abwaan “Qamaan bulxan”

Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badine

Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashon wax u dahsonayn

Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayoe

W/Q: AYUUB DIIBEEYE

Email: Ayubxanaf@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)




.

.