Ogaysiiska Puntland State Universiity Jomo Kenyatta University of Agriculture & Technology.

output_dc16dn

Puntland State University (PSU)  iyo Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology (JKUAT) ee dalka Kenya, Waxaa ay ogaysiinayaan in la qaadanayo arday cusub loona qaadanayo labada qaybood ee soo socda. Waxaa xusid mudan in dufcada hada la qaadanayo ay tahay dufcadii 6aad. Dufcadii ugu horaysay dhawaan ka qalin jabiyeen arday gaaraysa 20 arday kuwaas oo ku shaqaysta aqoonti ay ka barteen.

Ardayda waxaa loo qaadan doonaa Kuliyadaha kala ah:

  1. Master of Business Administration (MBA) oo leh 5 takhasus oo kala ah:
    1. Finance option
    2. Accounting option
    3. Marketing option
    4. Strategic Management option
    5. Human resource management option
  2. Master of Science in Development Studies (MSc.DS) Laba takhasus oo kala ah:
    1. Human Development option
    2. Project management option

Shuruudaha ardayda la qaadanayo waa sidan.

  1. Waa in uu haystaa ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacad ay wada  aqoonsan yihiin jaamacadda PSU iyo JKUAT,
  2. Waa in uu la yimaadaa shahaadadda Jaamacada ee heerka kowaad oo asalkii ah (Original) soona raaciyaa laba sawir.
  3. Waa inuu leeyahay ugu yaraan labo sano oo Khibrad shaqo ah
  4. Waa in uu bixiyaa $20(labaatan doolar) oo ah Khidmada Diiwaangelinta (Registration Fee) oo aan dib loogu celin doonin.
  5. Waa in uu qaataa Foormka Ogolaanshaha(Admission Form) soona buuxiyo mudada isqoristu socoto, waxaana foormkaas laga qaadanayaa Xafiiska Diiwaanhayaha Jaamacadda(Registry Office) ama Bogga jaamacada oo ah www.puntlandstateuniversity.com

 

Jadwalka Jaamacadda ee Arday Qaadashada waa sida soo socota:

  • Isqoristu waxay bilaabatay 25/Nov/2016 ilaa 25/Dec/2016 (In sha Alaah)

 Wakhtiga ay soconayaan koorsooyinka waa:

2-Sano oo kala ah 3-Semester oo wax dhigasho ah iyo hal semester oo cilmibaaris ah.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Xafiiska Diiwaanhayaha Jaamacadda PSU

Tell: 7-795668/7-725579-7794580

Email: registrar@puntlandstateuniversity.com

Garowe, Puntland-Somalia

Post Comment