Maxaad KaTAqaanaa Warshadda Kaluunka Ee Degmadda Qandalla +Sawiro

toona-qanda

Magaaladda Qandalla waxay kamid tahay Degmooyinka kulaala ama kuyaala Gacanka Khaliijka,kana mid ah Degmooyinka Gobolka Bari Ee Dawladda Puntland.

Waxay Dhanka Bari ka xigtaa Magaaladda Bosaso,Waxayna u jirtaa qiyaastii Dhoor iyo Todobaatan Kiloo Mitir.

Maxamuud Yaasiin Yuusuf Cali OO Lo Yaqaan (Juusto)kana Mid ahaa Shaqaalayaashii Warshadda Kaluunka  ee Magaaladda Qandala ayaa iga waramay Taariikhda Warshadd Kaluunka ee Degmadda Qandaladda.

Maxamud oo qiyastii Da,diisu Tahay 70 Sanno Jir, ayaan ugu horayntii waxaan waydiiyay bal inuu warbixin kooban iga siiyo Warshadda Kaluunka Ee Degmadda Qandallada.

Runtii Oday Juusto Waxa uu iisheegay in warshadan ay ka facwayntahay oo uusan warbixin aad uwayn iga siin Karin, Maxaa yeelay warshadan waxay dhisneed isaga Dhalashadiisii ka hor.

Waxa ii Sidoo kale ii tilmaamay in Warshadii kaluunka ee Magaaladda Xaaboo iyo Tan Magaaladda Qandaladda uu wada lahaa hal Qof.

Warshadda Kaluunka Ee Magaaladda Qandala ayaa waxaa la,aas aasay intii u dhaxaysay Sanadihii 1930-1935 waa sida uu iisheegay Oday Justo.

Labaddan warshadood Ee Qasacadeeya Kaluunka kuna kala yaala Magaalooyinka Qandala iyo Xaabo,ayaa waxay kamid ahaayen Warshadihii ugu Horeeyay oo ka shaqayn jiray Guda Dalkeena Hoyo ee Somaaliya.

Kaluunka ay Qasacadeyso Warshada kaluunka e Magaaladda Qandala ayaa  waxaa loo dhoofin jiray Dalka dibaddiisa, walay qaarka la gayn jiray Goboladda iyo Degmooyinka dalka intiisa kale.

Kaluunka la qasacadeeyo Noociisa Kiilooga ah iyo intii kabadan  ayaa waxaa loo dhoofin jiray Dalka Dibadiisa, Wixii Garam ahna waxaa loo iibgayn jiray Goboladda Dalka .

Oday Juusto ayaa Dhanka kale waxa uu ii Carabka ku adkeeyay in warshadda haduusan isagu joogin Dadka deegaanku ay mid mid u qadan lahaayeen waxwalba oo Warshadda yaala.

Warshad Kaluun eek u taala Magaaladda Qandala ayaa waxay kamid ahaan jidhay warshadihii Soomaliya ugu waa waynaa Xiligii Dawladii Soomaaliya uu Majaraha u haya Alla ha,unaxariistee Jeneral Maxamed Siyaas Barre.

Waxaa Daxaylaystay Qalabkii warshadu ay ku shaqayn jirtay, waana Hubaal in warshadihii kalana ay saan u burbureen oo aysan jirin cid wax ka qabata.

Warshadii Kaluunka Ee Magaladda Xaabo ayuu iisheegay in Markii Soomaaliya ay Burburtay Dadkii Reer Xaabo ay kala qayb sadeen gurteena Qalabkii yaalay Warshadda Oo idil.

Maraan waydiiyay Su,aal ahayd Dib u habayn hadii lagu samayn lahaa warshadan Surtagal matahay inay sideedii hore ay ku soo laabato?.

Waxa uu igu Jawaabay Hadal Qalbigayga Taabtay oo ahaa:-

(( Kabahaagu hadii ay kaa Go,an waad Tolanaysaa Marlabaad, warshadana waa warshadii Umadda Soomaaliyeed iyaga ayaa leh waaxaana waajib ah inay Soomaalidu waxooda ay samaystan)).

W/Q:- Wariye Siciid Mahad Maxamed (Siciid Amoore)

Email:- Saidmahad10@gmail.com

Bosaso Puntland Somalia

Halkan KA Daawo Sawiradda Qalabkii Qalabkii Warshadda Kaluunka ee Degmadda Qandalla Oo Daxalaystay:-

1

2

3

5

6

8

9

11

22

33

44

 

Post Comment