Atletico Madrid oo indhaha la raacaysa Macalin Mauricio Pochettino.

Kooxda Atletico Madrid ayaa qorsheeneysa in ay badal ugu dhigaan tababare Diego Simeone, maclinka naadiga Spours-ka Mauricio Pochettino sida laga soo xiganayo wargeyska The Mirror. maadaama uu macalinkan shaki xoogan galay mustaqbalkiisa kooxda Reer Spain.

Diego Simeone ayaa lala xiriirinayaa in uu ka dhaqaaqayo kooxda ka dhisan caasimada waxaana loo xaglinayo in uu u hayaami doono kooxda Inter Milan ama horyaalka Premier League midkood. balse sida loo badinayo wuxuu macalinkan u dhaqaaqi doonaa kooxda reer Talyaani ee Inter.

Kooxda lagu naaneyso Rojiblancos wexey u aragrtaa in Mauricio Pochettino uu yahay shaqsiga badali kara macalinka u dhashay xulka qaranka Argentina ee Diego Simeone kaas oo kooxda ku hogaamiyey inay soo heegsato 2 final oo ah tartanka Champions League  Siwalbuu xaalku yahay tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Pochettino ayaa ayaa wuxuu kula jiraa kooxdiisa heshiis dhacaya ilaa iyo sanada 2021.

Hseyeeshee Spurs ayaa sii qorsheen doonta Tababaraha badalka u noqon kara Pochettino hadii ay dhacdo imuu u dhaqaaqo kooxda Atletico Madrid xitaa waxaa lala xiriirinayaa inuu qabanayo shaqada kooxda Cad Cadka Ee Real madriid.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.