Liverpool iyo Tottenham Hotspur oo ku dagaalamaya saxiixa Javier Hernandez.

Kooxaha kadhisan England ee Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay gorgorinayaan goal dhaliyaha kooxda Bayer Leverkusen striker Javier Hernandez, si ay usoo qaataan bisha January ee sanadka 2017.

Hernandez, oo 28 sano jir ah ayaa sanadkii hore siweyn uga dhex muuqday kooxdiisa kadib  17 goal Bundesliga taasi oo u sahashey kooxdiisa inay horyaalka kaga dhammaysato kaalinta saddexaad.   Ciyaaryahanka reer Mexico ayaa xilli ciyaareedkaan aan la imaan qaab wanaagsan kadib goal dhalin la’aan soo wajahday 12 kulan oo horyaalka ah, waxaase adeegiisa danaynaya kooxaha ay xifaaltamaan kooxdiisii hore ee Manchester united.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.