Xaqiiqooyin iyo warbixino laga diiwaangeliyey kulamadii 15aad ee Horyaalka Spain.

Real Madrid ayaa badisay kulankeedii 35aad ee tartamada oo dhan waana rikoor dhanka guulaha ah oo uu sameeyay macalin Zidane.

Sergio Ramos ayaa dhaliyay shan gool xilli ciyaareedkan, waana in ka badan daafaca kasta oo La Liga ka ciyaara tartamada oo dhan.

Mariano Díaz ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Dominican Republic ee gool ka dhaliya taariikhda La Liga.

Joselu ayaa dhaliyay seddex gool iyadoo kaliya seddex darbo uu helay La Liga xili ciyaareedkaan (labo kamid ah ayuu xalay ka dhaliyay Real Madrid)

Álvaro Morata ayaa dhaliyay toddobo gool sideedii kulan ee ugu danbeysay Real Madrid tartamada oo dhan.

Casemiro ayaa sagaal jeer qasay kubada qeybtii hore ee kulankii Deportivo, ugu yaraan shan ayuu ka badanaa ciyaaryahanada kale ee Real Madrid.

Kaliya Keylor Navas oo (12) taabtay kubadda ayaa ka yaraa Alvaro Morata oo 14 jeer kaliya taabtay kubadda qeybtii hore.

Vela wuxuu yahay ciyaaryahanka 1aad ee labo jeer rigoore ku guuldareystay hal kulan oo horyaalka ah shanta Horyaal ee yurub ugu sareysa  xilli ciyaareedkan.

Diego Alves ayaa badbaadiyey 20 ka mid ah 43 rigoore ee uu wajahay La Liga.

Inigo Martinez ayaa dhaliyay saddex rigoore xili ciyaareedkaan, waana in kabadan ciyaaryahanada kale ee La Liga sanadka 2016.

Willian José ayaa ah ninka reer Spain ee ugu goolasha badan LaLiga xilli ciyaareedkan todobo gool ayuu leeyahay,

Lionel Messi ayaa dhaliyay 16 gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay Osasuna uu wajahay, shan kamid ah waxa uu ku dhaliyay garoonka El Sadar.

Luis Suárez ayaa ka dhaliyay gool 22 ka mid ah 24 kooxood oo uu ku kulmay La Liga (66 gool ayuuna isku dar ka dhaliyay.

Afartii kulan ee ugu danbeysay La Liga Barcelona ayaa goolal la’aan aheyd qeybta koowaad ee ciyarta waana heerkeedii ugu xumaa.

 

Post Comment