France Football Oo Shaacisay Qaabkii Ay Ciyaartoyda U Sharaxnayd Abaal Marinta Ballon d’Or-ku Ay Codka U U Kala Heleen,Kaalmihii La Kala Galay Iyo Liiska Oo Dhamaystiran

Majalada France Football oo sanadkan bixinaysa abaal marinta ay aas aaskeeda samaysay sanadkii 1956 kii ee Ballon d’Or oo ay dib ugula soo laabtay FIFA ayaa haddaba bilawday shaacinta qaybtii loo kala helay codkii la bixiyay iyo waliba kaalmihii ay kala galeen 30 kii ciyaartoy ee ku soo baxay liiskii ay France Football shaacisay bishii October.

France Football ayaa qiimaynta 30 ka ciyaartoy ka bilawday kaalinta 17 aad iyada oo sababta lagu sheegay in ay jiraan 11 ciyaartoy oo aan hal cod ka helin tartankii codbixinta ee abaal marinta  Ballon d’Or sidaa daraadeed gadaal ayaa laga shaacin doonaa 11 ka ciyaartoy ee aan codka helin waxaana qiimaynta laga bilaabay 17 aad iyada oo la soo gaadhi doono ciyaartoyga kaalinta 1 aad gali doona ee hanan doona abaal marinta  Ballon d’Or.

Waxaa kaalinta 17 aad ee qiimaynta laga bilaabay ku wada jira labada xidig ee Real Madrid ka wada tirsan ee Toni Kroos iyo Luka Modric kuwaas oo helay min hal dhibic oo kaliya, sidaa daraadeed 11 ka ciyaartoy ee ka sareeya tirada 17 aad ayaan wax dhibco ah helin.

17-LUKA MODRIC-REAL MADRID & CROATIA=1 Dhibic

17-TONI KROOS-REAL MADRID-GERMANY=1 Dhibic

17-DIMITRI PAYET- WEST HAM & FRANCE= 1 Dhibic

16-ROBERT LEWANDOWSKI -BAYERN MUNICH & POLAND=3 Dhibcood

14-PAUL POGBA- MAN UNITED & FRANCE= 4 Dhibcood

14-ARTURO VIDAL- BAYERN MUNICH & CHILE=4 Dhibcood

13-ZLATAN IBRAHIMOVIC – MAN UNITED & SWEDEN= 5 Dhibcood

Kaalimihii h–e ee uu ka soo galay Ballon d’Orka: 2003 (20 aad), 2004 (14aad), 2005 (8aad), 2007 (7aad), 2008 (9aad), 2009 (7aad), 2012 (10aad), 2013 (4 aad), 2014 (13aad) iyo 2015 (11 aad)

12-RUI PATRICIO- SPORTING CP- PORTUGAL= 6 Dhibcood

11-PIERRE-EMERICK AUBAMEYANG- BORUSSIA DORTMUND & GABON=7 Dhibcood

9-GIANLUIGI BUFFON- JUVENTUS & ITALAY

9- PEPE- REAL MADRID & PORTUGAL

8-JAMIE VARDY- LEICESTER CITY -ENGLAND

7- RIYAD MAHREZ- LEICESTER CITY -ALGERIA

6-GARETH BALE -REAL MADRID & WALES

5-NEYMAR JR- BARCLEONA & BRAZIL

4-LUIS SUAREZ -BARCELONA & URUGUAY

3-ANTOINE GRIEZMANN-ATLETICO MADRID & FRANCE

2-LIONEL MESSI -BARCLEONA & ARGENTINA

1- CRISTIANO RONALDO- REAL MADRID & PORTUGAL = GUULAYSTAHA ABAAL MARINTA:

France Football ayaa dhamaystirtay kaalimihii ay kala galeen ciyaartoydii u sharaxnayd abaal marinta Ballon d’Orka oo qiimayntooda laga soo bilaabay 17 iyada oo  11 kii ciyaartoy ee ku fashilmay in ay wax cod ka helaan abaal marinta France Football ee Ballon d’Orka ay kala noqdeen Aguero, De Bruyne, Dybala, Godin, Higuain, Iniesta, Koke, Lloris, Müller, Neuer, Sergio Ramos .

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.