13 kamid ah ciidamada milatariga Turkiga oo lagu dilay weerar Bom ah.

460x

13 kamid ah ciidamada Turkiga ayaa la dilay, 48 kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha lagu weeraray gaari Bus  oo ay la socdeen askar marayay magaalada Kayseri ee gobolka Anatolian.

Hadal qoraal oo kasoo baxay milatariga Turkiga ayaa lagu sheegay, in weerkaan oo dhacay sideedii subaxnimo ee saakay xilliga Turkiga lagu bartilmaameesaday shaqaalaha milatariga magaalada Keysari.

Askarta ku dhawaacmay weerarka ayaa loo cararay isbitaalada gobolka, saraakiisha ayaa sheegay inay jiri karaan dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray falkaan

Wakaalada wararka eeTurkiga Anadolu ayaa ku warrantay in weerkaan uu ka dhacay irida hore ee jaamacada Erciyes University, halkaas oo uu ku sugnaa Bus lagu weeraray ciidamada.

Raysal wasaaraha Turkiga Veysi Kaynak ayaa sheegay weerarkaan inay ka dambeeyaan kooxaha Khaa’imiinta, isagoo tilmaamay in loola danlahaa ciidamada milatariga Cirka.

Xafiiska Veysi Kaynak ayaa si kumeel gaar ah umamnuucay in warbaahintu tabiso macluumaadka qaraxaan, wuxuuna saxaafada usoo jeediyay inay ka waan toobaan daabacadaada wax kasta oo  sababaya cabsi shacab, fowdo kuwaas oo dhiiri gelin unoqonaya kooxaha argigixisada.

Puntlandnews.net

Post Comment