WARARKII UGU DAMBEEYEY-Saddex Ruux Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Toogtey Magaalada..

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Alshabaab ay saddex ruux maanta gelinkii dambe ku toogteen degmadaasi.

Fagaare ku yaala magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe waxaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay saddex ruux oo laba ka mid ah ay ku kaceen fal isku galmoosho ah halka midka kalena ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Ciidanka Itoobiya.

Maxkamadda Shabaab ee Gobolkaasi ugu qaabilsan ayaa sheegtay in Saddexdan nin lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaadeen dambiyadii lagu soo oogay.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Shirkado Xariir Nala Leh