DHEGEYSO-Boqolaal ciidan ah oo lagu daadiyey Cadaado iyo xildhibaanadii Guuleed xilka ka qaaday oo baadiyaha u firxanaya soona hadlay.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo mudanayaal baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen ayaa awood dheeraad ah siiyey ciidamada maamulkaas, si ay uga hortagaan burbur ku yimaada hanaanka maamulka Galmudug oo hory ay u dhistay dawladda faderaalka Soomaaliya.

Ciidamo badan ayaa ilaa xalay lagu soo daadiyey gudaha magaalada Cadaado, waxaana guryahooda la galay qaar kamid ah raggii wax ka abaabulay talaabadii shalay, kuwaas oo qaarkood laga waayay xaafaddahooda.

DHEGEYSO

Post Comment