Dowladda Maraykanka oo ka hadashay doorashada gudoomiye Jawaari kuna dhawaaqday inay…

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, kaasoo maanta markii labaad ku guulaystay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay gudoomiye Jaawaari, iyadoo uu Maraykanku sheegay inay tilaabadaan horumar u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka howlaha doorashooyinka

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay la shaqeyndoonaan gudoomiyaha barlamaanka iyo xildhibaanadiisa.

Si lamid ah, howgalka Midowga Afria ee AMISOM, ayaa u hambalyeeyay gudoomiye Jawaari.

Puntlandnews.net

 

 

 

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Shirkado Xariir Nala Leh