War deg deg ah-General Gaafow iyo saraakiil kale oo galay xarunta barlamaanka iyo Musharax iscasilaad diyaarinaya.

Taliyaha ciidamada NISA Mr Gaafow iyo Taliyeyaasha Booliiska, Milatariga, Asluubta ayaa lagu arkayaa halka ay ka socoto doorashada.

Taliyeyaashan oo qeyb ka ah guddiga amniga doorashada ayaa lasoo sheegayaa in ammar lagu soo siiyey iney fadhiyaan inta guddoomiyaha golaha shacabka la dooranayo.

Dhanka kalena waxaa jira warar sheegaya inay u badan tahay inuu loolanka gudoonka barlamaanka ka haro Cabdirashiid Xidig oo cadaadis culus kala kulmay qabiilkiisa.

Mid kamid ah suxufiyiinta kusugan  xarunta doorashada ayaa sheegaya inuu C/Rashiid Xidig qaban qaabinayo shir uu qabanayo goordhow isla markaana uu ku shaacin doono inuu iscasilo.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ahmed mohamed says:

    Khayr alle ha kavdhigo aamiin…………




.

.