War degdeg ah: Dhageyso: Dowladda Puntland oo ka hadashay xil ka qaadistii madaxweynaha Galmudug iyo heshiiskii Gaalkacyo.

Kadib markii shalay barlamaanka Galmudug uu xilka ka qaaday madaxweynihii Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, ayaa dowladda Puntland waxay maanta ka hadashay sida ay arrintaas u aragto.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay Puntland inaysan wax dhibaato ah u arkaynin go’aanka barlamaanka Galmudug ay xilka uga qaadeen madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in arrintana aysan wax saamayn ku yeelandoonin heshiiskii magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay heshiiskaasi inuu yahay heshiis heer gobol oo ay go’aankiisa leeyihiin dadka reer Gaalkacyo ee ay dhibaatadu kala kala gaartay.

Halkaan ka dhageyso codka gudoomiyah.

Puntlandnews.net

 

 

Post Comment