War degdeg ah: Dilal qorshaysan oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Bosaso iyo ciidanka amniga

Rag hubaysan ayaa  goor dhoweyd dil u geystay nin dhalinyaro ah oo marayey agagaarka dowladda hoose ee degmada Boosaaso,waxaana si doo kale raggaasi dhaawaceen nin kale oo dhalinyaro ah,iyadoo durbadiiba ay goobta ka baxsadeen raggii weerarka geystay.

Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ayaa baaritaanno hadda ka wada xaafaddi uu dilku ka dhacay,welina gacanta lagu ma dhigin raggii weerarka geystay sida uu Puntlandnews u xaqiijay goobjooge ku sugan aggagaarka dowladda hoose.

Bosaso ayaa  todobaadyadaan ka raysatay dilalkii ka dhici jiray,kadib markii ciidanka ammaanku hawlgel ballaaran ka sameeyeen,kaasi oo lagu soo qaqabtay dad fara badan oo looga shakisanyahay argagixiso.

Puntlandnews.net

Post Comment