War hadda naga soo gaarey Garoowe xildhibaan war muhiim ah ku dhawaaqay iyo garoonkii diyaaradaha oo..

Wararka aan hadda ka helayno garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu meel wanaagsan marayo mashruuca layrarka cadceeda ku shaqeeya ee casriga ah loogu xirayo garoonka.

Gudi uu gudoomiye u yahay madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa kuhowlan mashruucaani oo ay ku baxayso lacag kudhow hal million oo dollarka Maraykanka ah.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad, oo kamid ah gudiga arrinkaan ku howlan ayaa sheegay in lacagta loo qaybiyey saddex qaybood ayna jiraan shirkado iyo dad mar hore kasoo jawaabey.

Waxa uu intaas ku daray in dhowaan ay diri doonaan qalabka oo ah mid casri ah si xilliyada habeenkii ah garoonku uu u noqdo mid shaqayn kara oo caalami ah.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Shirkado Xariir Nala Leh