War degdeg oo hadda nagasoo gaaray magaalada Bosaso iyo ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyay…

Bosaso 12 January:- Ciidanka amniga gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay ninkii  ka dambeeyay dilka nin rayid ah iyo dhaawac ah mid kale, falkaas oo shalay ka dhacay bartamaha magaalada Bosaso.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari gaashaanle sare Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo la hadlay Puntlandnews, ayaa u sheegay ninkaasi inay dowladdu gacanta ku hayso uuna ku socda baaritaan xoogan.

Talyuhu wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo ujeedada dilkaas ka dambeeysay iyo inuu la xiriiro dilalkii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Bosaso, wuxuuna sheegay inuusan ka hordhacayn baaritaanka hay’addaha amnigu gacanta ku hayaan.

Puntlandnews.net

 

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.