CONTACT US

FAALO XASAASI AH-Faarax Cabdulqaadir Ma guul daraysan ee waa guulaystay+sababta.

Odey saaxiibkey ah ayaa marki uu saakey waagu baryey igu qabtey  Jidka Mak Al-Mukarama markaasuu I weydiiyey Su’aal igu adkaatey Jawaabteeda  bal se aan ka fusan waayey in aan uga jawaabo , waxaa uu I weydiiyey Labada Xildhibaan ee isugu soo harey Doorashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad reeraha ay ka soo jeedaan ama qabiilkoda ? Markaas baa ku iri “maxaa ku faleysaa reerahooda ama Qabiilkooda “

Inta ii soo dhawaadey ayuu yiri walaal fadlan ii sheeg Ciida ay yihiin “ markii aan muddo ka meer merayey ayaa waxaa markii dambe ku iri “ Waa laba nin Ilama adeer ah  waana qabiilka reer Ow Xasan “ markii uu intaa iga maqaley ayuu hadana ii raaciyey “ Waayahay reer Ow  Xasan yey galaan ?

Waa Su’aal kale oo aan aad ula yaabey markaas baan ku iri maxaa  meeshaas u gaarsiineysaa “maya maya waxaan rabaa in aan ogaado Beesha ay ku sami qaataan  “ waxaan ku iri “markii hore  Hawiye ayey ahaayeen hase yeehee hadda waa qolada Isbaheysiga ama Shanaad “ inta qosley ayuu yiri “ Aleylahe waa Qolo aad u  aqli badan  waxay ogaayeen in aysan Hawiye  waxba ka heleyn , midaasna waan ku taageersanahay”

Waxaa uu I weydiiyey adeer Dwladda Wasiiro ma ku lahayeen ?

Waa Su’aal kale oo hadan Jawaabteeda aan dhibsadey hadana waxaan Go’aansadey in aan uga jawaabo ma garanayo Ujeedka uu ka leeyahay Weydiimahaas “ waxaan ku iiri Ninka Faarax ka guuleystey ayaa Wasiir ahaa   “inta yKore u boodey oo madax luxay ayuu yiri” ma Wasiir iyo  Xilkaas miyey isku darsadeen “markaas baan ku iri “ Haa” waxaa dhab in ay yihiin qolo aqli badan oo Daanahooda yaqaan

Waxaa uu sii Hadley oo waxaa uu yiir “ Adeer qolooyinkii  wadankaan dagaalka u horseedey maxay Aqaligaan ugu shaqeyn waayeen ,waa kuwaa iyaga oo aan qofna dagaal uga  dhiman Xillalkaas  Muhiimka ah heley marka waxay ahayd in sida ay u xisaabtameen Beeshaa in loo xisaabtamo,waxaana ku Tilmaami lahaa Reer ku dayasho Mudan .

Waan soo dhaqaaqyey nin kale oo odey ah ayaa isna I weydiiyey Su’aal ku saabsan maxaa kaaga baxay Loolankii Faarax iyo Muudeey markaas baan ku iri “  Adeer Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey “ inta uu ii soo dhawadey ayuu yri “ Iskoor baa looga adkaadey sidee ayuu ku guuleystey ? waxaan ku iri “  hadda ka hor ayaa Cayaaryahankii la oron jirey  Maradoona ayaa  inta aysan Bilaabay Ciyaar uu guul ku doonayey  waxaa uu saaxiibadii ku yri

“Hadii aad  Guul rabtaan aniga ma weerar tagayo oo kooxda iga soo horjeeda ayaa igu mashquuleysa marka adinka Shaqeysta sidii bay noqotey Maradoona ayaa kooxdii ku mshaquusey sidaa  ayey  Guul ku gaareen marka sow uma ega Sheekadii  Muudey uu ku guuleystey oo Xildhibaanadii oo dhan ayaa waxay ku Mashqquuleen Faarax Shiikh Cabduqadir waayo Kor iyo Hoos waxaaa Guuleystey ina adeerkii uu  Kubadda u Salaxay

Mida kale  Faarax xaqiiqda ma rabin Xilkaas waayo  Mashraxnimadiisa  gadaal ayey ka timid waana mid ay Taageerayaasha Xasan Shiikh ay ku kala ogaanayeen Codowgooda Saaxiibkooda iyo in ay ka qiyaas qaataan Guusha Xasan sheikh  Doorashada Madaxweynaha taana waxaa ka garenayesa Labadii wareeg  ee Faarax waxaa uu heley 94 oo Xitaa intii lagu maqnaa  Fasaxa ama Salaada  Faarax iskuma deyin in uu Xotxoto Xildhibaanada marka 94 Cod ee uu heley Faarax waa Guul weyn oo u soo hotey Xasan Shiikh marka loo fiiriyey Tirada Musharxiinta ee u tartameysa Kursiga Madaxweyna kuwaa oo gaaraya 25 Xubnod bal adiga u qaybi inta soo hartey mid waliba waxa uu heli karo.

Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir in uu guuleystey waxaa ka garaneysaa Khudbadiiisii uu jeediyey isagoo sheegey in Xilka uusan meel Dheer uusan ka aadin, marka waxaa kuu Cad in uu ahaa Faarax uu ahaa Maskaxdii ka dambeysey in uu Muudey Guuleysto ,dadka u kuurgala Siyaasada ayaa waxay leeyhiihin Hadii Faarax uu Guuleysan lahaa waa       loo yaabi lahaa Xasan Shiikh waayo waxaa sii Kordhi lahaa Naceybka  Taageerayaasha Xasan Shiikh  marka Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey nin kale oo Taageersan Faarax Sh Cabduqaadir ayaa ku Tilmaamey  Faarax “Hogaamiyaha Ruuuxiga”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167