Prof. Gaas, Boqol Jeer Buu Been Noo Sheegay!

Prof. Gaas, Boqol Jeer Buu Been Noo Sheegay!

Dabayaaqadii sanadkii 2013 ayay ahay markii gobolada Puntland ay ka bilaabatay olalaha doorashada musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynenimada Maamulka Puntland oo uu markaas xilka banyan rabay madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdirahman Sh. Mohamed Faroole.

Waxaa dhamaan gobolada Puntland ka billoway olole ay wadeen rag musharixiin ah iyo kuw rag kale dadka ka gadayay musharaxiin doonaysay inay noqdaan madaxwaynaha Puntland. Waxaa safka hore soo galay oo musharaxnimadooda iyo ajandayaashooda waxqabad ee soo socda run la mooday qaar ka mid ah musharaxiintii olalaha waday oo la biday inay khibrad iyo aqoon dheer yihiin musharaxiinta kale ee u tartamaysay xilka madaxwaynenimada Puntland.

Qaar ayaa la siiyay amaan dheeri ah, qaarna waxaa la yiri waa argagixiso, qaarna waxaa lagu calaamadiyay inay horay ugu soo fashilmeen hogaamin loo dhiibay, qaarna waxaa lagu ciladeeyey in dowlado kale wataan.

Shacab waynahana  reer Puntland ayaa quus ka taagnaa amni xumadii, sinaan la’aantii, kala qaybsanaantii iyo horumar la’aant ii xukuumadii Faroole ayaa waxaa ay koox u ololaynaysay Musharax Cabdiwali Cali Gaas uga dhigeen musharixa kaliya ee xalka u ah dhibaatada ka taagan Puntland ee maamul xumada, cadaalad la’aanta, amni xumada, iyo horumar la’aanta taas oo ahayd khalad ay sameeyeen raggii ololaha u waday Gaas oo shacabka u qariyay nimaysan aqoon kartidiisa hogaamineed.

Kooxdii olalaha u waday Mudane Gaas ayaa amaan uga dhigay in Mudane Gaas uu ku guulaystay barnaamijkii kumeelgaarnimada looga saarayay dowladii federaalka kumeelgaar ka ahayd ee uu hogaamin jiray Mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed barnaamijkaas oo ay dajiyaysa qorshahiisa xafiiskii qaramada midoobay ee uu hogaamin jiray Mr Augustin Mahiga, guul ka gaaristiisana ay lahaayeen dowlado shisheeye oo danaynay in kumeel gaarka laga baxo.

Mudane Gaas ayaa Puntland ka bilaabay olole uu barnaamijkiisa kaga gadayo shacabka reer Puntland isaga oo safaro ku kala bixiyay dhamaan gobolada Puntland iyo wadamada ay ku nool yihiin jaaliyadaha reer Puntland ee jooga Africa, Asia, Europe, Australia iyo America.

Mudane Gaas ayaa usoo bandhigay shacabkii uu la kulmayay ajandayaal qurux badan oo Puntland looga baahnaa, lana aaminsanaa hadii la hirgaliyo in Puntland gaari doonto horumar dhinac walba iyo goob walba ah. Halka dadka wax falanqeeyaana gaarsiiyeen inay qoraan maqaalo ay ku muujinayaan in madaxwayne Gaas dowladiisu qof kasta wax u qaban doonto taas oo muujinaysay halka ay gaarsiis nayd rajada laga qabay wax qabadka uu la imaan doono.  Toloow Gaas Guri Ma ii Dhisi Doonaa!

Mudane Gaas ayaa ololihiisa intuu uu ku jiray waxaa uu sameeyey balanqaadyo tira badan oo ay ka mid ahaayeen saldhigna u ahaayeen:

  1. Soo celinta magaalada Laascaano, iyada oo halku dhigga mudane Gaas uu ahaa “Laascaano Faataxo laguma qabsan”
  2. Dhisidda Maamul dowladnimo oo salka laga soo dhiso halku dhigiisuna ahaa “ Transparent and accountability”
  3. Hagaajinta iyo dib u qaabaynta wasaaradaha Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee dowliga ah
  4. Sinaanta loo sinaan doono adeegyada dowladda oo la gaarsiin doono deegaanada ka baxsan laamiga halku dhigeeduna ahaa “ Wiilkayga iyo wiilka baadiyaha ku nool ee reer Puntland oo u sinaan doonaan adeegyada dowladda”
  5. Joogtaynta Bixinta mushaaraadka shaqaalaha halku dhigeeduna ahaa “ Shaqaale aan mushaar joogta ah helin shacab wax uma qabto”
  6. Tayaynta waxbarashada iyo in ardada dugsiyada hoose dhexe waxbarashada lacag la’aan looga dhigo
  7. Tayaytan ciidamada kala duwan ee Puntland iyo tababaridooda
  8. U sinaanta fursadaha shaqo iyo mashaaricda ay bixiyaan deeq bixiyayaasha shisheeye
  9. Iyo kuwa kale oo badan

Waxaa lasoo gaaray January 2014 waxaana magaalada garoowe ka dhacday doorasho aad loo wada sugayay oo muhiimad gaar ah u lahayd shacabka reer Puntland, Dowladda federaalka iyo beesha caalamka oo danaynaysay in Puntland ay ka dhacdo doorasho tusaale u noqota Somalida kale.

DOORASHADII PUNTLAND EE 2014

8th January 2014  waxaa dhacday doorashii madaxtinimada Puntland waxaana la doortay madaxwayne, Madaxwayne ku xigeen iyo gudoon baarlamaan oo la mooday inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee soo mara madaxtinimada Puntland waxaana dhashay rajo iyo hididiilo dowladnimo oo ka baxsan xadkii la qiyaasay kuna salaysnayd baahiyada bulshadu u qabtay dowladnimo wanaag ka dhasha Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha Puntland waxaana uu ku guulaystay cod nasiib ah oo uu kaga guulasytay madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdirahman Faroole, waxaa dhacay isoo soo baxyo waawayn iyo damaashaadyo lagu soo dhawaynayo xilka loo doortay Mudane Gaas, waxaana korortay oo si xad dhaaf ah kor ugu kacay rajadii la qabay ee ahayd in Puntland cagta saartay wadadii dowladnimada ee la sugayay mudadii ay dhisnayd ee 15 ka sano ahayd.

Mudane Gaas ayaa bilaabay qabashada shirar uu kusoo bandhigayo qorshayaashiisa siyaasadeed iyo kuwa dowladnimoo ee uu rabo inay fuliso xukuumadda uu hogaamin doono mudada shanta sano ee soo socota, waxaa sidoo kale bilaabatay safarro uu ku marayay gobolada kala duwan ee Puntland iyo deegaano aan waligeedba aysan tigin iska daa madaxwaynee agaasime waaxeed ka shaqeeya gobolka uu ku yaal deegaankaasi. Waxaa lasoo balan qaaday balanqaadyo aan tiro lahayn iyo dhagax dhigid dhismayaal xaruma dowli ah sida Isbitaalo, Ceelal biyoodyo, xaruma maamul, hoy martiyeed, iskuulo, xarumaha odayaasha iyo deegaano kala duwan oo badan Waxaana kor u kacay rajada ay qabeen shacabku waxaa dhashay yididiilooyin siyaasadeed, dhaqaale, arimo bulsho, midnimo iyo kuwa kale oo badan.

MAXAA QABSOOMAY MAXAASE BEEN NOQDAY

Waxaa lasoo dhisay golihii wasiirada, waxaa durbaba bilaabatay is xulafaysi siyaasadeed, xilal ka qaadis masuuliyiin hore sida kuwa maamulada degmooyinka, gobolada iyo saraakiil ciidan. Waxaa bilowday isku dhacyo ka dhexdhashay saraakiishii ciidanka iyo madaxda cusub, waxaa bilowday in la diido xil ka qaaadis lagu sameeyey saraakiil ciidan iyo agaasimayaal hay’ado dowli ah oo badan, waxaa meesha ka baxay wada shaqayntii madaxda dowladda iyo isimada, aqoonyahanka iyo indheergaradka, Waxaa bilowday dabacsanaan iyo jileec ku yimid habkii fulinta shaqada madaxda sare ee dowladda loo magacaabay waxaana ay iftiimisay awoodda madaxda dowladda iyo fulinta go’aamada ay soo saaraan, waxaana ay   hog dheer ku sii riday rajadaii laga qabay inuu dhismo nidaam dowladnimo oo saraynta sharcigu muhiimad dheeri ah ka leedahay iskooxaysiga iyo danaha shakhsiga.

GUDAHA PUNTLAND IYO BEENIHII BAAHAY

Is xulufaysi siyaasadeed oo ay samaysay xukuumaddii cusbayd ee Puntland ayaa horseed u noqday in uu yimaado isqabqabsi iyo kala amarqaadasho waa’a dhex marta madaxda ugu saraysa Puntland iyo saraakiisha  kale ee Puntland sida wasiirada, isuduwaayahsa, agaasimayaasha iyo saraakiisha ciidanka.

Waxaa bilowday in dowladda laga dhex saaro cid kasta oo maamulkii Faroole lasoo shaqaysay iyada oo cillad looga dhigayay inay Faroole lasoo shaqeeyeen ayna ka hareen nidaam hore oo hadda la rabo in la dhayo dhaawacyadii uu gaarsiyay Puntland. Waxaa xilka laga cayriyay saraakiil ciidan sida Taliyihii ciidanka sirdoonka PIA da ee gobolka Nugaal, Taliyii Booliska Puntland, Maamulkii ciidanka badda Puntland,  gudoomiyihii gobolka Nugaal, gudoomiyihii gobolka Bari, Gudoomiyihii Gobolka Mudug, Taliyihii qaybta booliska gobolka Bari iyo saraakiil kale oo badan.

Xilka qaadistaas ku salaysnayd kaliya inay ka tirsanaayeen xukuumadii Faroole ayaa keentay isku dhacyo, khilaafaad ku sigtay inay dhacaan dagaalo ka dhex dhaca maamulka xilka haya iyo masuuliyiintii xilka laga qaaday iyo isimada oo qaarkood isku dayay inay ka qayb qaataan xalinta khilaafaadka cusub ee ka dilaacay Puntland dhexdeeda ay xaliyeen halka qaarna ay xalisay dowladda federaalka Somalia gaar ahaan raiisul wasaare Cumar Cabdirashid.

DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIA

Madaxwayne Gaas ayaa dowladii federaalka ahayd ee xamar ka jirtay la abuurtay colaytan siyaasadeed oo aan lahayn ujeeddo sii fog ama la rabo in la gaaro, taas oo sabab u noqotay in ay dhacaan dagaalo ay dabada ka riixaysay dowladda federaalka iyo kooxda damujadiid. Waxaa lasoo dhisay maamulka maamulka Galmudug oo noqday usha lagu garaaco ama xabbadda xalka looga doono Puntland si ay u ogolaato waxyaabaha ay diidan tahay Puntland. Xukuumadda madaxwyane Gaas ayaa iyana lasoo baxday siyaasad laba wajiilayn ah oo dadka reer Puntland af wax ugu sheegta halka Dowladda federaalkana la qaadanayso shirar kala duwan oo hoos ahaan ay u heshiiyaan halka dadka reer Puntland loo soo sheego inaan shirkaas lagu soo heshiin iyo Madaxda Puntland oo idaacadaha ka sheegta marka ay soo noqdaan inaan shirkaas aan lagu soo heshiin.

 MAXAA KA DHASHAY BEENTAAS

In waxkasta oo ay sheegto xukuumadda Puntland oo ku aadan dowladda federaalka oo Puntland sheegto ay yihiin BEEN lagu marin habaabinayo shacabka Puntland.

 

QAADASHADII NIDAAMKII 4.5

Bilowgii sanadkaan ayaa waxaa somaliya ka furmay qorshe ku saabsan habka doorasho la gali doono marka ay dhamaato xiliga madaxda federaalku, waxaa la qabtay shirar kala duwan oo looga hadlayay nooca doorasho ee la qaadan doono waxaana la soo wada bandhigay nooca doorasho la gali doono, iyada oo hoosta laga xariiqay inaan la samayn muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowladda federaalka.

Nidaamka 4.5 ee awood qaybsiga xubnaha baarlaamanka ayaa ka mid ahaa noocyada lasoo bandhigay waxaana nidaamkaas diiday madaxdii Puntland ee ka qaybta ahaa shirarka looga hadlayay nooca doorashada ee la qaadan karo.

Puntland ayaa waxaa ka dhacay mudaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo nidaamka qaadashada nidaamka 4.5 waxaana la qabtay shirar iyo isu soo baxyo ka dhacay dhamaan deegaanada Puntland sida degmooyinka fog fog ee gobolka bari, waxaa la abaabulay kooxo fanaaniin ah oo sameeyey heeso lagu dhiiri galiyayo diidmada qaadashada nidaamka 4.5 waxaana lasoo saaray hees caan noqotay oo yiraahdo “4.5 QAADAN MAYNO”

Madaxwayne Gaas ayaa isaga oo u khudbeeynayay jaaliyadda reer Puntland ee maraykanka degan u sheegay inaysan Puntland qaadan doonin nidaamka 4.5 haddii Ban Ki Moon, xoghaya qaramada midoobay iyo Obama na lasoo kaxaysto Puntland ay go’aankeeda horay u gaartay xukuumad iyo shacabba.

Ayaandaro muddo 2 asbuuc ah ka dib waxaa dhacday in Xukuumadii Puntland ee uu hogaaminayay Mudane Gaas ay qaadatay nidaamkii 4.5 ka iyada oo aan wax wada tashi ah kala samayn qaybaha bulshada sida siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, isimada iyo aqoonyahanka, taas oo rajadii dowladnimada Puntland god dheer kusii riday, meeshana ka saaray kalsoonidii lagu qabi karay go’aanada masiiriga ah ee ay qaadato dowladda Puntland iyo hogaaminta madaxwayne Gaas.

DAGAALADII GAALKACYO 2015/2016

Sanadkii 2015 dhamaadkiisa ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka dilaacay dagaal u dhaxeeya maamulka Puntland iyo kan galmudug oo ka dhashay ka dib markii Galmudug is hortaagtay waddo ay Puntland ka dhisaysay magaalada Gaalkacyo dhanka xaafadda Garsoor. Dagaal kharaar oo soo socday muddo asbuuc ku dhow ayaa maamulka Puntland diiday inuu dagaalka kala hadlo dhanka Galmudug isaga oo diiday inuuba hor fariist madaxda Galmudug. Waxaa magaalada Gaalkacyo yimid madaxda kooxda Damujadiid oo Galmudug u dhisatay inay Puntland ku ogolaysiiso waxyaabaha ay diiddo Puntland, Madadxda Puntland ayaa si cad u sheegay inaysanba hor fariisan doonin madaxda Galmudug wax kasta oo dhaca aysan ka noqon doonin goaankeeda ah inaysan horfariisan doonin Galmudug oo dhismihiisu dastuurka dalka dhinac marsanaa sida Puntland ku doodaysay. Mudane Gaas ayaa yimid Gaalkacyo waxaana uu shirar la qaatay waxgaradka reer Gaalkacyo isaga oo kala hadlay dagaalka Gaalkacyo waxaana uu u balan qaaday inuusan joojin doonin dhismaha wadada iyo inuusan horfariisan doonin Galmudug.

Raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo isaga oo matalay kooxda Damu-jadiid oo uu horgal u ahaa fulinta siyaasadeeda ku aadan ku qasbidda iyo soo xera galinta Puntalnd ayaa bilaabay dullaalayn iyo uka dabqaadid maamulada Puntland iyo Galmudug isaga oo qabtay shirar badan oo ay kasoo qayb galeen madaxkale oo ka socotay maamul goboleedyada kale iyo qaramada midoobay.

Waxaa shirar badan lala qaatay madaxwaynaha Puntland oo isagu isa siiyay awoodda kaliya ee ay tahay in Gaalkacyo dagaalkeeda wax laga waydiiyo isaga oo meesha ka saaray doorka dadka deegaanka iyo laamaha kale ee dowladda.

Madaxwayne Gaas ayaa maalmo dagaal ka dib shir uu dhexdhexaadinayay rasiisul wasaaruhu ogolaaday inuu la kulmo madaxdii Galmudug isagoo booqasho uu ku tagay xaafadda Baraxlay ku ogolaaday in dagaalka la joojiyo nabaddana la qaato waxaana uu halkaas ka sheegay in colaaddii dhamaatay wada hadalona furmi doonaan waqtiyada soo socda looga hadli doono xalka magaalada.

MAXAA KA DHASHAY BEENTAAS

Faaiidada Puntland ka gaartay dagaalkaas ayaa noqotay oo kaliya inay joojiso wadadii la dhisayay kana laabato go’aankeedii ahaa inaysan hor fariisanayn maamul aan dastuurka dalka waafaqsanayn iyo kalsooni xumo soo kala dhex gashay shacabkii reer Gaalakcyood iyo dowladda.

DAGAALKII Gaalkacyo, 2016

Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay meesha ay ku hardamaan maamulka Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa waxaa bishii October ee sanadkii 2016 dagaalo ka bilowdeen magaalaga Gaalkayo dagaaladaas oo ahaa kuwa siyaasadeed oo ay soo abuubuleen maamulka ama wax ka ogyihiin maamulka Puntland, Galmudug iyo Dowladda federaalka Somalia.

Dagaalka ayaa ka dhashay isku qabsi dhul oo u dhexeeyey dad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug iyada oo dhulka lagu dagaalamayay uu ahaa deegaan ahaan dhul reer Puntland leeyihiin, dagaalkaas ayaa sababay sida kii sanadkii 2015 barakac baahsan oo labada shacabba ah iy khasaare nafeed oo gaaray askar iyo shacab waxii joogay magaalada.

Dhexdhexaadin uu la shir yimid Cumar Cabdirashiid ayna daba ka riixayso xafiiska qaramada midoobay ee Somalia ayaa lagu qasbay inay joojiyaan colaadda miiska wada hadalkana isugu yimaadaan madaxda maamulada galmudug iyo Puntland.

Madaxda Puntland ayaa mar labaad diiday qaar ka mid ah qodobadii lasoo jeediyay sida in ciidamada lakala qaado iyo in wada hadaladu kasii socdaan magaalada Kismaayo. Maamulka Puntland ayaa diiday inay ciidankooda qaadaan kana qayb galaan shir lagu xalinayo mushkiladda Gaalkacyo oo lagu qabanayo meel aan ahayn magaalada Gaalkacyo.

Waqti ka dib waxaa ay Puntland ogolaaty inay ciidankeeda soo qaado ilaa 2 km oo ay dib usoo celiso taas oo quus iyo rajo xumo ku riday shacabkii reer Puntland ee deganaa xaafadaha aagga koonfur galbeed ee xaafadda Garsoor oo hadda 75% aysan dadkii kusoo noqon ka dib markii maleshiyaadka Galmudug kusoo dhawaadeen xaafadda yimaadeena aaggii ay ka baxeen ciidanka Puntland.

 

MAXAA KA DHASHAY BEENTAAS

Mira dhalkii dhacdadaan ayaa noqday in madaxwayne Gaas uu ugu danbayn aqbalo in ciidanka Puntland dib loo soo qaado 2 KM iyo in uu heshiis kusoo saxiixo magaalda Muqdisho bilowga sanadkaan cusub ee 2017.

BALANQAADYADII BEENOOBAY MASHAARICDA HORUMARINEED

Madaxwaynaha dowladda goboleedka Puntland mudane Cabdiwali Cali Gaas ayaa sameeyey balanqaadyo fulin mashaariic waawayn oo uu sheegay inuu heshiisyo kula soo saxiixday wadamo iyo shirkado shisheeyey oo uu kulamo kula soo qaatay wadanka dibadiisa, Mashaariicdaas oo la sheegay inay wax badan kusoo kordhin karaa nidaamka dowladnimada iyo midka dhaqan dhaqaale ee Puntland. Waxgaradka iyo dadka qiimeeya heshiisyada dowladuhu ama shirkaduhu la galaan maamulada ayaa ku sheegay Mashaariicda uu sheegay madaxwaynuhu in ay markii horeba iska ahaayeen rajo galin loo samaynayay dadka reer Puntland oo ka quustay inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin, micno loo samaynayo safarada madaxwaynaha, dhalanteed iyo iska jeedin shacabka oo aan la qiyaasin saamaynta uu ku yeelan karo sumcadda maamulka guud ahaan tan madaxwaynaha.

Waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Puntland ayaa qaarkood ku dooday in Mashaariicdaas lasoo qaatay lacagtoodii lana musuqmaasuqay, maadaama aysan jirin hay’ad dowli ah oo dabagal ku samaysa fulinta balanqaadyada iyo heshiisyada  mashaariicda waawayn ee lala galo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha aan dowliga ahayn. Madaxwaynaha Punlland ayaan wali ummudda usoo bandhigin ama ka horsheegin baarlamaanka Puntland halka ay marayaan heshiisyada ay la galaan dowladaha shisheeye iyo shirkadaha balanqaadyada sameeya taas oo kor u qaaday heerka quusta ee shacabku ka quustay balanqaadyada beenta u badan ee ay dowladdu samayso iyo kalsooni xumada u dhaxaysa baarlamaanka Puntland, xukuumadiisa iyo shacabka.

SAFARADII MADAXWAYNAHA.

Madaxwaynaha Puntland ayaa safari dibadda puntland ugu baxay in kabada 166 safar sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 iyada oo safaradaas ay ku baxeen dhaqaale aad tira badan halka warar kalana sheegayaan in dhamaan safarada madaxwaynaha ay ku baxeen dhaqaale gaarayay 7 million USD oo ah canshuur laga qaado dadka shacabka ah ee reer Puntland oo canshuurta dowladda la kordhiyay tiro ka sadex jeer aysanna jirin badalkeeda wax loogu qabtay shacabka sida, taageeridda waxbarashada, caafimaadka, horumarinta ilaha dhaqaalah, daryeelka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka iyo kordhinta ama joogtaynta mushaaraaadka shaqaalaha iyo ciidanka.

MASHAARIICDA LA BALANQAADAY EE BEENOOBAY

  1. Mashruucii dhismaha dekedda Jariiban
  2. Mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee isku xiraya Garoowe iyo Gaalkacyo oo dhamaystiran
  3. Dhismaha iyo balaarinta dekedda Bosaso
  4. Mashruuca dhismaha airport ka Gaalkacyo
  5. Mashruuca dhismaha jidka Eyl iyo Dongoroyo Iyo Mashaariic kale oo badan

waxaase ayaan daro ah inuusan hal mashruucna ka fulin taas oo loo sababayn karo laba arimoood midkood oo kala ah.

  1. Inay markii horeba sidii la qiyaasayay ama lagu yaqiinay ahaayeen been iyo maaweelin shacabka loo sheegayay
  2. Iyo In mashaariicdaas dhaqaalahoodii la musuqmaasuqay

 

GABOGABO

Shacabka Puntland ayaa kalsoonidii hogaamineed ee xukuumadda Madaxwayne Gaas u arkay mid lagu qasaaray aysanna  ahayn xukuumad ay hogaamiyaan hogaamiyayaal leh awood hogaamineed oo lagu hogaamiyo bulsho ay colaad, musuqmaasuq, qabyaalad, afkaaro xagjirnimo iyo siyaasado fadhiid ahi oo ay lasoo shirtagaan madaxda loo doortaa.

Waxkasta oo ay sheegto ama ay samayso xukuumadda Puntland ee uu hogaansho madaxwayne Gaas ayaa kusoo idlaaday mudadii 3 sano ahayd ee uu xilka haya:-

  1. Kalsoonidii shacabka Puntland ee xukuumadda oo luntay
  2. Balan qaadyo badan oo wada been,
  3. Shirar badan oo aan waxba ka mira dhalin,
  4. Magacii Dowladnimada Puntland oo noqday Burush la mariyo qofka la rabo in sumcadiisa wax loo dhimo
  5. Amnigii Puntland oo faraha ka baxay.
  6. Kalsoonidii soo celint gobolada maqan oo meesha ka baxday
  7. Musuqmaasuqa oo caadi ka dhex noqday dowladnimada Puntland
  8. Iyo in kale oo badan

 

Qore: Mohamed Abdiwali Hassan

 

2 thoughts on “Prof. Gaas, Boqol Jeer Buu Been Noo Sheegay!

  1. Oi Cris, acabei de responder algo parecido acima. Do meu lado, estou sempre aberta a ideias criativas, por isso fotografei o que me agradou. Agradou alguns, desagradou outros. Nem era a ineãt§Ãno, mas foi bom por ter trazido opiniões diferentes. Convido você a continuar voltando, espero que curta os próximos. Temos vários PAPs na manga!

    Reply

Post Comment