CONTACT US

Breaking news-Haweeney siweyn u dhaleecaysa Donald Trump oo ku dhawaaqday inay jumcada lakulmayso aysana ka baqayn.

Theresa May oo ah xildhibaanada laga soo doorto xisbiga┬áConservative-ka dalka England, soona qabatay xilka ra’iisul wasaaraha dalka Britain ayaa shaacisay inay maalinka Jumacada ah aqalka Cad kula kulmi doonto madaxweyne Donald Trump.

Haweeneydaan ayaa noqon doonta hogaamiyihii ugu horeeyey ee caalamka oo aqalka cad kula kulanta madaxweynaha Cusub ee USA maalmo kadib markii loo dhaariyey xilka madaxtinimada.

Xildhibaanadaani oo marar badan si cad u dhaleecaysan ninkaan bilyanneerka ah ayaa sheegtay inaysan ka cabsan doonin hor fariisiga Trump, ayna ka wada hadli doonaan arrimaha NATO iyo Ruushka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167