Barlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyay cida ay doorandoonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo musharax si kulu u eedeeyay barlamaanka.

Muqdisho 5 february 2017:- Musharax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta gollaha barlamaanka ku eedeeyay inaysan xushmad isku mid ah siinin murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu sheegay inay xildhibaabadu faarujiyeen xarunta gollaha, iyadoo weli murashixiinta ay khudbaynayaan.

Tarsan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in xildhibaanadu ukala exdaan murashixiinta madaxweynaha, isagoo sheegay taas inay cadeynayso in waa horeba ay go’aansadeen qofkii ay madaxweynaha u dooran lahaayeen iyado aan si isku mid ah loo dhageysan khudbadaha musharixiinta.

Warsidaha Puntlandnews oo si gaar ah ula socday khudbadihii doorashada ayaa hoosta ka xariiqay in murashixiinta kala ah, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud, Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Faroole, Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiqaadir Cosoble inay yihiin murashixiinta loogu dhageysiga badnaa.

Puntlandnews.net

 

 

Post Comment