WAR DEG DEG AH: Akhriso: Dowladda Kenya oo dhaqaale xoogan guddoonsiisay Cumar Cabdirashiid iyo Cumar Cabdirashiid oo Kenya u ogolaaday.

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaarke) oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya hogaanka dalka oo safar aan la shaacin ku tegay Nairobi ayaa galabta dib ugu laabtay Muqdisho.

Mudadii uu ku sugaan Nairobi Sharmaarke wuxuu la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta kulan qaatay ku dhowaad 4 saacadood, sida uu fahansanyahay warsidaha Faaqidaad.

Saraakiil si dhow ula socday safarka Raysal Wasaare Sharmaarke ayaa u xaqiijiyey Puntlandnews inay dowlada Kenya soo siisay xadi lacageed oo dhan 8 Malyan oo doolar.

Raysal Wasaare Sharmaarke & Madaxweyne Kenyatta | Sawir hore.
Raysal Wasaare Sharmaarke & Madaxweyne Kenyatta | Sawir hore.

Sidoo kale, Madaxweyne Kenyatta wuxuu aqbalay codsi uga yimi Sharmaarke oo ahaa inay si qaawan u soo farageliyaan doorashada, ayna ku cadaadiyaan Xildhibaanada inay doortaan.

Sharmaarke wuxuu mudo dheer xiriir wanaagsan la lahaa dowlada Kenya, horay ayey xukuumadii uu hogaaminayey ugu saxiixday qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya waxay isku bedeshay masrax ay ku herdamayaan dalalka gobolku, waxaana faragelin weyn ku haysa Itoobiya oo doonaysa in dib loo doorto Madaxweyne Xasan Sheikh

One thought on “WAR DEG DEG AH: Akhriso: Dowladda Kenya oo dhaqaale xoogan guddoonsiisay Cumar Cabdirashiid iyo Cumar Cabdirashiid oo Kenya u ogolaaday.

  1. Beenta iska dhaafa ciyaalka faroole waa la idiin og yahay in wiilki farole xamer lagu bahaday taas ayaa cadeyn idii ah in aan xerta faroole xamer laga jecleen

    Reply

Post Comment