Breaking news-Horjoogaal katirsan ururka Alshabaab oo maanta gacanta u galay….

Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha qeybta 60-naad ee Ciidamada Xooga Dalka waxaa gacanta lagu soo dhigay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiishan ka tirsan Al-Shabaab ayaa laga soo qabtay deegaano ku yaalla degmooyinka Gobolada Baay iyo Bakool oo howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada Xooga Dalka.

Ibraahim Aadan Yaroow ayaa sheegay in dhawaan ay saraakiishan u soo bandhigi doonaan saxaafada islamarkaana hadda ay gacanta ugu jiraan Ciidamada Dowlada oo iyagu ku haya Xabsiyadooda.

Post Comment