Madaxweyne Gaas oo gollihiisa wasiirada u cadeeyay cida uu taageersan yahay doorashada madaxtinimada iyo lacag hal milyan ah oo madaxweyne Gaas uu ku taageeray musharax….

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay gollihiisa wasiiradda si cad ugu sheegay inuusan wax taageero ah u haynin masharax Xasan Sheikkh Maxamuud, kadib markii uu madaxweyne Gaas ka harsan waayay hadalo xan ah oo ku saabsan inuu heshiis la galay kooxda Damul jadiid.

Sargaal katirsan Puntland oo ka gaabsaday inaan magaciisa xusno ayaa Puntlandnews u xaqiijiyay in shirkii gollaha wasiiradda ee khamiistii ka dhacay Garowe aad loogu falanqeeyay arrimaha doorashada iyo sidoo kale in madaxweyne Gaas uu gollihiisa u cadeeyay inaysan waxba ka jirinĀ arrinta ku saabsan inuu taageersan yahay madaxweynaha xilka ka dhamaaday Xasan Sheikh Maxamuud, si uu mar kale usoo laabto.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay warka suuqa ku jira iyo midka warbaahintu buun buuninayso inaanu waxba ka jirin oo uusan wax heshiis ah kula jirin madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhinaca kale, warar aan kasoo xiganay ilo kala duwan ayaa sheegaya inuu madaxweyne Gaas Muqdisho u yimid sidii uu taageero ballaaran ugu fidin lahaa raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xaalku ku xun yahay, waxaana wararku ay sheegayaan inuu usido lacag dhan hal milyan oo dollar, oo Cumar Cabdirashiid codad loogu iibinayo.

 

golaha-xukuumada-Puntland-640x427

Puntlandnews.net

 

 

 

 

 

One thought on “Madaxweyne Gaas oo gollihiisa wasiirada u cadeeyay cida uu taageersan yahay doorashada madaxtinimada iyo lacag hal milyan ah oo madaxweyne Gaas uu ku taageeray musharax….

Post Comment