Raysal Wasaaraha Itoobiya oo god kusii riday rajada Ictiraafka Soomaaliland kuna dhawaaqay inay aqoonsan yihiin…..

Wariyaha Ruug caddaaga  (Cabdisalaan Harari)  ayaa  wuxuu  wareysi dheer layeeshay  Ra’iisul wasaaraha   Dawladda Federalka ee Itoobiya   Atto (Hailemariam Desalegn)’

Wariye  Cabdisalaam Harari) ayaa weydiiyey Su’aalo  muhiima oo quseeya Soomaalida guud ahaan  iyo samaynta Itoobiya kuleedahay arrimaha Soomaaliya.

Waraysigu  waa dheeryahay  laakiin anigu waxaan kasoo qaatay qeybta sida garka u qusaysa  Qadiyada Somalind ee ku wajahan gooni isu tag iyo inay Soomaalida kale ka  go’aan,  madabba Itoobiya tahay  Dawlad   Soomaalidu  xasaasiyad ka qaban   waxaan qoraal ahaan u badelay  su’aalihii Wariye Cabdisalan harari uu weydiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,  waxaana   maqalka ku cad  halka uu iska tagay WR, Qadiyada Soomaalida  guud ahaan iyo Somalind.

Wariye Cabdisalam waxaan ku weydiinaya     amuur  ‘u’ tal Ururka(IGAD) iyo  Dawladdaha Gobolkuba tasoo ah Arrinta Somalind  oo  dhawr iyo labatan sanno, soo tagneyd,  welina tagan  iyadoo  Somalind Dawladdi kajirto’ ee laakiin aan la, aqoonsaneyn,   waxaana   kawarhaya,  ayuu Yiri wariye Harari,  inay lamacaamisho, oo arrimo badana ay kawada xalan,  sida  xirarka dhaqaalaha   hormarinta dekadda Barbara,  iyo marinkeeda  iyo arrimo kale oo ay kamid yihiin  kuwa amaanka’’  marka sidee baad isku wadeysan Somalind iyo Soomaaliya??:

Ra’iisul wasaaraha   Dawladda  Itoobiya (Hailemariam Desalegn)’   oo arrintaas ka jawabayana  wuxuu  yiri,  waxaan marka hore  oran lahaa arrinta  Somaaliya  iyo Somalind,  inay tahay  mid  u tal Soomaalida’  oo  u khaasa”  waxaana  siweyn ii dhiiri galisay    markii Madaxweynaha  hada talada hayaSoomaaliya, uu billaabay  wada hadallada u dhexeya   Soomaaliya    iyo Somalind  waxayna ila tahay  inay kuwaasi ay noqdan kuwo macno leh  si markaasi  looxaliyo  dhibatadas  sida  ugu dhaqsaha badan  ee  surta galkaa.

Laakiin  ilaa inta ay taasi dhacayso waa inaanu  lamacaamilaa  Somalind  waayo   waxaanu nahay daris aad isku  dhow   wax kasta oo Somalind ka dhacayana wey nasamaynayan  (Anniga) Itoobiyo ahan, Amaankeyagu wuxuu aad  ugu xiran yahay   Somalind  marka   indhaha kama  qarsan karo oo  kama xiran karo  oo ma’ oran  karayno   Annagu shuqul kuma lihin  waxyaalaha kadhacaya Somalind,  taas ma oran karayno,  in  kastoo aysan ahayn Dawlad la`  aqoonsan yahay  oo weli aan  u’ aragno inay Soomaaliya kamid yihiin inteeda kale,  laakiin waa inaanu  laxaalo Dawladdooda   waa  inaanu laxaala Dawladda’   iyadoo  taasi   ayka war hayan  Dawladda Soomaaliya lafteeda.

Sababtuna waxaa weeye  ayuu yiri  (RW Hailemariam)  wax kasta oo’ an halkan  kasameyna  waa  qarraan  cidna kaqar sooneyn  oo caddaana,  waa inaanu layeelano  xiriir  dhinaca  (Amanka) iyo ganacsiga ‘oo  soohdimaha iska  gudba,  ooy Dadkeyagu ay wada  ganacsadan  sababtuna waxaa  weeye  lababa  qeybin karayo  labadayada Dadyow’  markas  Soomaaliya iyo Somalind-ba  labadaba  wada shaqeyn ayaa  naga dhaxaysa’  waxaa  jira arrimo  naga dhaxeeya,

Waxaa jirta Dekadda  Berbera   oo’’ aad  ogtahay inaanu  isticmaalaynay  Tobanan Sanno’ iyo boqolal sannadoodba  mana- ahan inaanu  joojino    inaanu isticmaalo Dekadda Barbara  waa  inaanu sii  wadno inaanu isticmaalo’  waxadna  meesha ku darsata haddii  xitaa Somalind  ay  kamid noqotaba  Soomaaliya  wax kasta oo kaabayaasha dhaqaale  ee Somalind   loosameyey waxay noqonayan   wax uun Soomaaliya meel  u yaala,  marka waa in lakaaba oo latageera  kaabayaasha dhaqaalaha    markaa  xitaa  haddii  ay isla meel dhigan  arrimaha kadhexeya   waxyaalaha lasameyey waxay noqonayan   qarraan  Annaga iyo Dadka Soomaalida  oo dhani ay isticmaali karayaan.

Sidaas  daradeed    macaamilka  ayaa  naga dhaxaysa Somalind  sida aad  sheegaysid  waxay ku saleysan tahay  qaab kumeel  gaara, uun’

Wariye  Cabdisalaan Harari ayaa Su’aal kale  weydiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,  wuxuuna  yiri

Somalind waxay dooneysay welina ay doonaysa inay madax bannaani  ka qaadato Soomaaliya inteeda kale,  marka markii ay timaado meesha  Beesha caalamka   masuuliyadda  arrintaasi waxay kusoo riixan   waddamada Gobolka  oo iminkana   waddamadii Gobolku  sida Dawladdaada oo kale   Amuurta’ ay   kusii riixayso dhinaca  Soomaalida,  marka sidee  ayey  kuula muuqta  in dhibatadaas  lagu xalin karo?.

(Wuxuuna ku jawaabay (RW Hailemariam) waxay ila tahay  inaanu rumaysanahay oo’ aannu aminsanaahay  in arrinta  (Aayo) katalintu ay  tahay mid  u tal Dadka  wana sababta   mida ‘aanu  ugu riixayno dadka Soomaalida  waana inay Dawladdaha Soomaalidu    wada xalan  oo  ay Dadka  siiyan   xaquuqda ay u leeyihiin  in Dadka Soomaaliya iyo kuwa Somalindba, kuwa  ay tahay  in markaas   ay   Go’aan  garan  oo go’aankaas  ay kagaran mustaqbalkooda,

Xitaa  Beesha caalamka kuma soo riixi karan   waddamada Gobolka oo kale  waayo  ma’ ahan  buu yiri  arrin  aannu awood u leenahay  oo’ aanu katalo bixin karo  Go’aana umma  gaari karo  Ummadda   Soomaalida,  haddii  aanu isku  dayno inaanu  sidaas yeelo waxanu samayneyna khalad  aad weyn     sababtuna waxa weeye  buu yiri  kabo dambaystii  annaga ayaa dusha u ridaneyna   masuuliyada ay tahay  inaan qaadin  waana inay amuurtaasi ay noqota mid   ay go’aan ka garaan  Dadka  Soomaalidu.  Haddii  dadka   ay doonayan inay sii wada jiran   waa  in  loo oggalada  haddii ay dadka Soomaalida  ay  wax kala ku heshiiyana  taasna waa mid ka duwan oo go’aankeeda ay ayagu leeyihiin marka  waxaa  la -lahelaya  xal waara.

Haddii ‘aad  i weydiisay  aragtideyda  shaqsiga  waxaan rumeysnahay   inaan Somalind gooni uga bixin Soomaaliya inteeda kale,  ee laakiin dhammaantayo  xitaa  innaga, oo Itoobiya Soomaaliya  Suudan  Elateriya iyo  Jabuuti   annu isku nqono  waddan kaliya oo mideysan ee   laakiinse  taasi   iminka  tuurta gal mahan, oo laguma dhawaaqi karayo’ in wadan kaliya ay noqdan, ee laakiin waxay ila tahay  inaanu ku bilowno is dhx gal dhinaca dhaqala ah  oo lamideeyo  oo siyaabo badana anu isku dhex galo,  dabadeedna uu yimaado  midow  dhinaca siyaasadda’ ahi’

Waxaanu la tartameyna  Hindiya  oo tiradoodu   iminka  tahay  oo xita  iyagu shiinihii  dhaafay, waxaanu la tartamayna Midowga Yurub  oo isku dhan   in kastoo   Anigu  Biritan   anan kuracsaneyn  go’aanka ay kaga baxeen Midawga Yurub, oo aan u arko tillaabo khaldan   waxaan la tartamayna BRazil   oo iyadu ah waddan awood weyn  leh  mar kastoo  awoodaadu  siiweynatana  wey ku sahlananeysa   inad tartan  gali kartid  oo aad ku tartami kartid suuqyada caalamka.

Mar kastoo  lasii qeybsamana  waxaa lasii ahaanaya  qaar baahidu ay dilooto  yaa kamacaashay markii ay ka go’een waddamadii ay kamid ahayeen bal hadda  waxaad  eegta Elatariya)  oo waxaad eegta Koonfurta Suudan, maxay tahay natiijada ka dhalatay  macnuhu mahan  inaad gosato  oo aad ku macaashaysid  bilse  haddii uu jiro  is fahan macno leh oo ka dhexeya qolyaha isku tagaya, marka mar kasta ‘oo awoodaadu sii weynato waxaad noqoneysa   cid  tartankas gali karta,  waxaa  jira tartankaas caalamiga oo ay tahay  inaan indhaha u furo,  oo ay noo muuqdan wax yabaha dunida ka dhacaya,  waa haddii aad dooneyso  inaad is badel samayso  oo dadkaaga noloshooda aad wax ka badasho.

Marka  Anigu)  waxaan  noqonaya Nin u hadla   in awooda la ballaariyo` oo aan lasii kala qeyb-qeybsamin  laakiin  Anigu ma ahi cida go’aankeeda taasi iska leh,  waana  mid  Dadka u tal,

Cabdinuur Faarax maxamuud

Falanqeeye  arrimaha bulshada

Abdinuur02@gmail.com

Post Comment