WAR DEG DEG AH: Ciidamada Amniga Puntland oo gudaha u galay guri kuyaala Gaalkacyo oo ay ku aruursanaayeen ……

Gaalkacyo 6 Febraury 2017:– Ciidamada amniga Puntland ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo ayaa xalay gudaha u galay guri kuyaala magaalada Gaalkacyo oo ay ku aruursanayeen kooxo dhalinyaro oo isugu jiray rag iyo dumar kuwaas oo sameynayay falal anshax xumo ah.

Ciidamada amniga ayaa qabtay dhalinyaradaan oo gacmaha kula jiray ficilo diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban xadgudub ku ah, waxaana kamid ah inay dhalinyarada ragga iyo dumarka sameynayeen waxa loo yaqaano Faraanti galis Nikaax, dhaqankaas oo ah dhaqan xaaraan ah oo lagasoo waariday dalalka aan islaamka ahayn.

Waxaa kaloo kamid ahaa inay ciyaarayeen qoob ka ciyaar, iyadoo weliba xilli dambe oo habeenimo ahayd.

Sargaal katirsan ciidanka amniga ayaa sheegay dhaqamada caynkaan oo kale ah in ay halis ku yihiin bulshada, wuxuuna sheegay in sharciga la horgayn dhalinyarada falkaan lagusoo qabtay.

Sargaalu wuxuu kaloo sheegay in arrimaha caynkaano kale ah ay ka dhashaan kufsi.

 

One thought on “WAR DEG DEG AH: Ciidamada Amniga Puntland oo gudaha u galay guri kuyaala Gaalkacyo oo ay ku aruursanaayeen ……

  1. Mohamed Abdi Mohamed · Edit

    Aad iyo aad wax loogu farxo weeye ciidamadaaana amaan iyo bogaadin bay mudanyihiin maadama ay ka hortageen waxna ka qabteen dhaqan xumada kusii faafaysa carigeena. Dhaqan xumadaas oo magacyo badan maaadama aysan sal iyo raad kulahayn dhaqanka suuban iyo diinta islaamka. Waxaa ka mida magacyada ay ugu yeeraan cawayska dhalinyarada, habeenka baashaalka, iyo faraanti gelis Nikaax.

    Alle hanaga suuliyo dhaqankaas xun

    Reply

Post Comment