War deg deg ah oo Buuhoodle naga soo gaarey iyo Cali Khaliif Galayr oo si rasmi ah…

Madaxweynaha maamulka Khaatuma oo Maanta gaaray  Magaalada Hargeysa ayaa ka dibna u duulay Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti , waxaana halkaasi uu uga qeyb galaya Wadahadallo u dhaxeeya Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay Safar dhanka dhulka ah waxaa uu ku gaaray Magaalada Burco ka dib markii loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Buuhoodle.

Wadahadalada maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa maraya meel Gabogabo ah , waxaana Khaatumo ay doonaysaa in ay ku biirto maamulka Somaliland.

Post Comment