WAR DEG DEG: Cumar Cabdirashiid oo hoygiisa kusoo dhoweeyay madaxweyne Gaas iyo Sheikh shariif iyo madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay.

Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa caawa hoygiisa kulamo kula qaatay Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana kulamadan wehliyay xubno ka tirsan baarlamaanka.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran ayaa warar horu dhac ah oo laga helayo ay sheegayaan in laga wada hadlayo sidii labada Musharax Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ay isbaheysi u yeelan lahaayeen, isla markaana u mideyn lahaayeen cododkooda, marka la gaaro doorashada Madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta aanay wali heysan taageero mid ah oo ay ku maquunin karaan Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas darteedna ay isku baheysanayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen, una mideyn lahaayeen cododkooda, marka la gaaro wareegyada hore ee doorashada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa ciyaaraya doorar kala duwan, iyadoo la sheegayo in sababaha markii hore uu Muqdisho u yimid ay aheyd inuu taageero Musharax Xasan Sheekh, hase ahaatee haatan uu wado qorshayaal hoose oo uu ku taageerayo Musharaxiinta.

Dhinaca kale waxaa jiray kulamo kale oo galabta ka dhacay Hotel Jazeera, kaasoo ay isugu yimaadeen inta badan Musharaxiinta, waxaana ay ku heshiiyeen inay u hiiliyaan is bedelka cusub, isla markaana Musharaxa ugu codka badan ay taageeraan.

Kulamo aad u xooggan ayaa ka socda Hotelada, xarumaha ololaha Musharaxiinta iyo guryaha ay degan yihiin, waxaana Musharax walba uu dadaal ugu jiraa inuu helo codod ku filan, si ay uga mid noqdaan afarta ugu cododka badan ee u gudba wareega labaad.

Magaalada Muqdisho ayaa gashay jawi ka duwan kuwii maalmihii la soo dhaafay, ololaha bilowday ayaa noqon doona mid habeen iyo maalin isugu mid ah oo aan la seexan doonin, xod xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada ayaa aad u socota, Musharaxiinta ayaa furaya boorsooyinkooda, si ay dhaqaale fara badna uga bixiyaan cododka Xildhibaanada, waxaana wali la jaan-goyn qiimaha halka cod ee Xildhibaanka oo warar suuqa la soo geliyay ay sheegayaan in xalay uu ku bilowday $100,000 (Boqol kun oo doollar)

shariif-cumar-iyo-gaas

One thought on “WAR DEG DEG: Cumar Cabdirashiid oo hoygiisa kusoo dhoweeyay madaxweyne Gaas iyo Sheikh shariif iyo madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay.

  1. Gaas waa 2wejiile, waana sun ku soo saa’iday siyaasadda Somaliya, waxuu illoobay dadkii soo doortay ee reer Puntland oo col iyo abaar hallakeeyeen, waxuuna ka doortay inuu Xasan Culusow dabo ordo.
    maalinkii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire sida gardarrada xilka looga qaaday baay noo caddaatay in Puntland Xasan Culusow la hoos geeyay. se Gaas ma sii joogi doonaa Puntland haddii uu soo celiyo Culusow?

    Reply

Post Comment