WAR DEG DEG: Xisaabiyihii ciidanka madaxtooyada Puntland oo la afduubtay.

Xisaabiyihii ciidanka madaxtooyada dowladda Puntland ayaa la afduubtay waxaana falkaas ka dambeeyay ciidan ka tirsan xarunta madaxtooyada oo gadoodsan.

Inkastoo aan si rasmi ah u haynin sababta loo afduubtay xisaabiyaha ayaa hadana wararka aan helayno waxay sheegayaan in loo sababeynayo kadib markii ay mushahaar waayeen ciidanka madaxtooyada.

Waxa ay dhacdadaan ku soo beegmaysaa xilli la sheegayo in madaxweeyne Gaas uu lacag u qaaday Muqdisho si uu ugu Taageero Cumar cabdirashiid.

Dhinaca kale, warar aan hadda helnay waxay sheegayaan inuu xisaabiyuhu dib uhelay xoriyadiisa kadib markii ay soo furdaamiyeen dad ay isku dhow yihiin.

Puntalndnews.net

Post Comment