Daawasho Xasaasi ah-Farmaajo oo kudhawaaqay kalsoonida uu ku qabo in loo doorto madaxweynaha Soomaaliya kuna dhawaaqay.

Musharaxa xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay isbedel dhab ah oo Soomaaliya ka dhici doona.

Musharrax Farmaajo wuxuu sheegay in inuu ku kalsoon yahay taageerada ay u muujiyeen xildhibaanada Baarlamaanka ee labada aqal.

Waxaan ku kalsoonahay taageerada ay ii muujiyeen xildhibaannada, waxaana rajeynayaa in berri uu dhaco isbadal dhab ah” ayuu yiri Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qoraalkan soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Ololeyaal balaaran ayaa hareeyay magaalada Muqdisho, iyadoo musharixiin kala duwan ay soo bandhigeen taageerada ay heystaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hotelka SYL kaga qeyb galay kulan weyn oo xildhibaano gaaraya 222 ay isugu yimaadeen sida uu sheegay Musharax Xasan Sheekh.

DAAWO

Post Comment