WAR DEG DEG AH: Afar musharax oo Cumar Cabdirashiid uu ku jiro oo diiday inay ku biiraan isbahaysiga lagu jabinayo Xasan Sheikh Maxamuud.

Afar musharax oo kamid ah kuwa u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in ay ku biiraan Isbaheysi ay hogaaminayaan Sheekh Shariif iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Musharaxiintan ayaa kamid ah kuwa miisaan siyaasadeed ku leh doorashada hada dhici doonta, waxana midkasta uu ku adkeysanayaan in uu kalsooni gaar ah qabo.

Xubanahan gaarka isku taagay ayaa waxaa sadax kamid ah ay yihiin kuwa aan horay xilalka waa weyn loogu soo tijaabin sida Ra’iisul wasaare iyo Madaxweyne, waxana ay muujinayaan dad horay loo soo arkay wax qabadkooda ay la saftaan.

Afartan Musharax aan ku biirin Musharaxiinta Isbadal doonka ah ayaa waxaa kamid ah:

Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka hada jira, isla markaana doorashadii hore u soo gudbay wareega labaad.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ay beel hoosaad dhaw yihiin Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la aamisan yahay in uu ka faa’iideysan karo fursad kasta oo Xasan Sheekh uu heli lahaa.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo horay wasiir u soo noqday kaasi oo aaminsan in la midoobida Sheekh Shariif iyo Farmaajo ay tahay mid fashil ah madaama labadaasi siyaasi horay loo soo arkay.

Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ah Ra’iisul wasaare hada waqtigiisu dhamaaday, doonayana in uu Madaxweyne Ka noqdo dowladda soo socota.

Puntlandnews.net

2 thoughts on “WAR DEG DEG AH: Afar musharax oo Cumar Cabdirashiid uu ku jiro oo diiday inay ku biiraan isbahaysiga lagu jabinayo Xasan Sheikh Maxamuud.

  1. 4tan waa iska roge waana la ogaa waxooda inuu riwaayad ahaa, waxay ahaayen dillaal Xasan soo dirsaday. lakiin rabitaanka ummadda Somaliyeed maka hor imaani kmaraan.

    Reply
  2. Umada somaliyeed magaceeda inaad kuhadasho yaa kuu wakiishay anagaa Somali ah taageersan xasan cade somalida been haka Sheegin ee waxaad tiraahdaa umada bari dagan ama umada xeryaha qaxootiga kenya

    Reply

Post Comment