War deg deg ah-Cabdiraxmaan Faroole oo ka tanaasuley musharax madaxweyne ee Soomaaliya yuu u tanaasuley?.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo kamid ahaa 23 Musharax oo doonaya in ay u Ordaan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Saxafadda kula hadlay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu ka Tanaasulay u Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole ayaa kamid ahaa Musharaxiintii Xalay Heshiiska ku gaaray Magaalada Muqdisho islamarkaana sheegay in ay Taageeri doonaan Musharaxii ugu Cod badan si Dalka uu isbadal ugu yimaado.

Berri oo Arbaco ah ayaa loo Madlan yahay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo,waxaana Ummadda Soomaaliyeed iyo Wadamada Daneeya Siyaasadda Soomaaliya ay yihiin kuwo Il Gaar ah ku haya Doorashada Dhici doonta oo saameynteeda leh.

Xigasho-KNN

Post Comment