WAR DEG DEG AH-Hubka culus oo laysu adeegsanayo iyo agaal xoogan oo hadda ka socda..

Sida uu soo sheegayo wariye wakaalada Warqaad ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa uu hadda dagaal culus ka socdaa Nawaaxiga Degmada Mahadaay ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ah Mid aad u culus oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uuna si toos ah uga socdaa Deegaanada Miirtuugo iyo Biyo Cadde.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Markii hore weerar dhaba gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM oo wadada u dhaxeysa deegaanadasi marayay kadibna uu sidaa ku xoogeysta dagaalka.

Ilaa hadda Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee dirirtu ay u dhaxeyso.

Post Comment