War deg deg ah-Madaafiic kadhacay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho iyo hoteladii ay deganaayeen…

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in madaafiic xoogan lagu garaacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Weriye kusugan Muqdisho ayaa hadda Puntlandnews u xaqiijiyey in dhawaqa madaafiicda laga maqlayo degmooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Yaaqshiid iyo Wardhiigley.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambaysa madaafiicdaasi iyo xarumaha sida rasmiga ah loola beegsanayo waxaase ay ku soo aadayaan xilli maalinka berri ay dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Post Comment