War deg deg ah oo Caawa Muqdisho naga soo gaarey iyo xildhibaanadii reer Puntland iyo Madaxweyne Gaas oo..

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu kulan xasaasi ah isugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Puntland.

Gaas ayaa la sheegayaa in Mid ka mid ah Hoteelada Muqdihso uu kulan kula qaadanayo Xildhibaanada isagoo arrimaha ugu muhiimsan ee uu kala hadli doono ay tahya tan doorashada ee beri dhaceysa.

Illo ku dhow dhow Madaxweyne Gaas ayaa waxaa ay sheegayaan in xildhibaanada Labada Aqal lagala hadlayo sidii ay codkooda u siin lahaayeen musharax ay ku qanacsan yihiin shacabka ay mataalaan.

LASOCO FAAHFAAHIN

Post Comment