WARARKII UGU DAMBEEYEY-Xaaladda ololaha doorashada arrimaha Farmaajo iyo musharax kale oo ku dhawaaqay..

Olalahii ugu xooganaa ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyadoo musharaxiinta ay dagaal ugu jiraan codadkii ay heli lahaayeen doorashada beri ka dhacaysa Soomaaliya.

Hase ahaatee rajada qaar kamid ah musharaxiinta ugu magaca weyn ayaa laga deyrinayaa, waxaana ay ka cabsanayaan iney waayaan codad ay meel wanaagsan ku gaaraan.

Musharaxiintaas waxaa kamid ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo haysta tageerada shacabka Soomaaliyeed, hase ahaatee la ogaanayo iney ku adkaaneyso inu helo codka barlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in olalahiisii doorashada ay gaabis xoogan galeen taas oo hoos udhigeysa rajadii ay shacabka ka lahayeen inuu xilkaas kusoo baxo.

Warar ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in Farmaajo haatan uu ku adkeysanayo inuu sii ahaado musharax xilkan utaagan laakiin hadii uu codad wanaagsan helo uu kula shirkoobo mid kamid ah musharaxiinta kale ee codadka badan hela si uu uga qal qaalsado xilka labaad ee dalka oo ah Ra’isul wasaare.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in xubnaha uu saaxiibada dhow la yahay ilaa haatan Farmaajo uu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed kaas oo la ogaanayo in dhowr mar ay kulmeen.

Ragga kale ee rajadoodu hooseyso waxaa kamid ah Jibriil Cabdulle, Tarsan, Cali Ameeriko, Prof Xaaji Zakariye iyo Xubno kale.

Post Comment