XASAASI-Kudhowaad 20 musharax oo Muqdisho ku shiray kuna midoobey arrin xasaasi ah yaa kamid ah.

Ku dhawaad 20 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo xalay kulan gaarka ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen in ay codadkooda ay ugu shubaan musharax ugu codadka badan wareega koowaad xilliga Doorashada.

Musharaxiintaasi ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Arrintaani waxay muujinaysaa in Musharaxiinta badankood ay middoobeen ,islamarkaana ay doonayaan in ay soo saaraan musharax ugu codadka badan Wareega koowaad.

Saacadihii ugu dambeeyay ee Ololaha Musharaxiinta ayaa lagu jiraa Waxaana Musharaxiinta ay kulamo kala duwan ay la leeyihiin xildhibaanada wax dooranaya.

Post Comment