BREAKING NEWS: Amar degdeg ah oo lagusoo rogay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya iyo taageerayaasha Xasan Sheikh oo kasoo horjeestay.

Guddiga amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar kusoo rogay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ee labada aqal, waxayna ku amreen inaan la qaadan karin Mobil iyo qalab kale oo fududayn kara in doorashadu ay noqoto mid aan hufnaanayn.

Amarkaan ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanada taageersan madaxweyne Xasan Sheikh, kuwaas oo ku doodaya inay xaq uleeyihiin inay qaataan qalabkooda u gaar ah, laakiin arrintaas saraakiisha amniga kama aysan yeelin waxayna keentay buuq iyo is maandhaaf.

Saraakiisha ayaa u sheegay xildhibaanada inay fulinayaan amar kasoo baxay guddiga doorashada, kaasoo ahaa inaan goobta doorashada lala gali karin wax taleefoon ah ama qalabka Teknoolijyada.

Puntlandnews.net

2 thoughts on “BREAKING NEWS: Amar degdeg ah oo lagusoo rogay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya iyo taageerayaasha Xasan Sheikh oo kasoo horjeestay.

Post Comment