DEG DEG: Alshabab oo war aan laga filayn kasoo saartay weerarkii Bosaso ka dhacay iyo Puntlandnews oo ogaatay xaqiiqada rasmiga ah.

Kooxda Alshabaab ayaa goor dhowayd ka hadashay weerarkii saaka waaberii lagu qaaday hotel Village ee magaalada Bosaso, halkaasi oo dabley hubaysan oo weerar ku qaadeen masuuliyiin hotel ku sugnaa oo uu kamid ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Weerarkaan waxaa ku dhintay lix ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen dableydii weerarka soo qaaday, halka inta kalena ay ahaayeen ciidanka ilaalada Gallan iyo labo kamid ah shaqaalaha hotelka.

Dowladda Puntland ayaa ku eedeysay weerarkaan inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab ayna fashiliyeen qorshihii laga lahaa oo ahaa in hotelka gudaha loo galo oo la laayo masuuliyiinta iyo shacabka ku jiray.

Laakiin kooxda Alshabab war kasoo baxay waxay ku sheegtay inaysan weerarkaas wax lug ah ku lahayn.

Warbaahinta Puntlandnews oo baaritaan ku sameysay weerarkaan ayaa ogaatay inay Alshabaab ka dambeeyaan waxaana ogaanay sababta Alshabab isaga fogeeyeen.

Alshabab iyaga ayaa ka dambeeyay, laakiin sababta ay isaga fogeeyeen waxay ahayd inay iska horkeenaan guddoomiyii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan iyo dowladda Puntland, si weerarkaan loogu qaato shirqool ay dowladdu ka dambeysay oo la doonayay in lagu qaarajiyo guddoomiyaha.

PuntlandNews.net

 

 

 

 

 

Post Comment