DEG DEG: Tirinta Codadka oo soo dhamaatay iyo Afar Musharrax oo soo gudubtay (Magacyada)

Waxaa goor dhowayd lasoo gabagabeeyay wareega kowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareegaan kusoo baxay afar musharax oo aad hadal hayay inay wareegaan isugusoo haridoonaan.

Inkastoo aan natiijada wareega koowaad ee doorashada lagu dhawaaqin ayaa hadana waxaa codadka ugu badan helay murashixiinta hoos ku xusan.

Xassan Shiikh Maxamuud 88 cod.
Maxamed Farmaajo 72 cod
Shiikh Shariif Axmad 49 cod
Cumar Cabdirashiid 37 cod

Murashixiinta ku haray wareega koowad iyo codadkooda.

Cabdiqaadir Cosoble 25 cod
Siciid Dani 19 cod
Cadow Geeseey 14 cod
Cabdiraxmaan cabdishakuur 9 cod
Cabdinaasir 6 cod
Cali Xaaji 3 cod
Tarsan 2 cod
Xaaji Yaasiin 2 cod
Jabriil 1 cod
Jabarti 1 cod

Wareega labaad ee doorashada ayaa lagu kala tartamdoonaa codadka murashixiinta ku haray wareegada koowaad.

 

 

 

Post Comment