DEG DEG-Xilliga rasmiga ah ee codayntu bilaabanayso xildhibaano gaarey goobta doorasahda iyo warar kale.

Wararka Naga soo gaaray Xarunta Doorashada Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Hadda Xildhibaanada Labada Aqal ay si toos ah ugu qul qulayaan Xaruntaasi.

Waxaa sidoo kale shir kuleh xarunta Doorashada Guddiga Ka hortaga Musuq Maasuqa kuwaas oo arrimo dhowr ah hadda ka tashanaya.

Warar ayaa sheegay in weli aysan hoolka Gelin Musharraxiinta u ordeysa Xilka madaxweynaha Soomaaliya iyadoo xildhibaanada iyo wariyaasha oo kaliya ay hadda halkaasi gaarayaan.

11:00 ilaa iyo 11:30 Barqanimo ayaa si toos ah ay u bilaaban doonaan sida aan xogta ku heleyno doorashada Madaxweynaha inkastoo ay wax isbdeli karaan.

Post Comment