War deg deg ah-Ciidanka dowladda oo hadda hawlgalo bilaabay kadib weerarkii xalay iyo tirada…

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo ka wadaan inta u dhaxeysa degaanada Sarkuusta iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasi oo amniga lagu sugayo.

Wararka waxay sheegayaan in howlgalkaan uu daba socdo weerar  xalay Al-shabaab ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo fariisin ku lahaa duleedka Muqdisho, inkastoo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay aan la caddeyn.

Ciidamada ayaa baaraya sida la sheegay xaafadaha ku yaalla halkaasi, iyadoo weli aan lasoo sheegin in howlgalkaan dad lagu soo qabtay iyo in kale.

Post Comment